Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) — Maamulka degmada Boocame ee gobolka Sool ayaa sheegay in kooxo la rumeysan yahay in ay ka tirsanaayeen xarakada Al-shabaab oo ka yimid dhinaca koonfurta dalku ay degmadaas ka gudbeen iyaga oo ku wajahan dhinaca buuraleyda Galgala.
Duqa degmada Boocame Axmed Xasan Shire Xayle oo xilligan magaalada Garoowe ku sugan, ayaa arintan ku sheegay waraysi uu shalay siiyey mid kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee Puntland.
Mudane Xayle ayaa tilmaamay in dhulka miyiga ah ee degaanka Boocame hoos taga ay todobaadyadii lasoo dhaafay ka gudbeen kooxo ka tirsan Al-shabaab, balse isu soo ekeysiiyey jamaacada Tabliiqa, waa sida uu hadalka u dhigaye.
"Waa niman ka tirsan Al-shabaabka koonfur kasoo jabay, muddo ayey meesha marayeen, markaas tabliiq ahaan bay anaga nagu dhaafi jireen, kadibna markii aan ogaaney ayey naga go'een" duqa degmada Boocame ayaa yiri.
Mar la weydiiyey waxa uu ku cadeyn karo in dadka halkaas maray ay ka tirsan yihiin Alshabaab, wuxuu yiri: "isuma eka dadku waa dad gubtey oo aad garneysid inay koonfur kasoo jabeen, laakiin nimanka tabliiqa ahi waa dad nool, marka sidaasaan u garan karnaa"
Ugu danbeyntii wuxuu duqa degmada Boocame sheegay in ay arintan ku wargeliyeen madaxda sare ee maamulka Puntland, islamarkaana ay xiligan jiraan ciidamo halkaas loo geeyey si ay dhaqdhaqaaqa deegaanadaas ka jira ula socdaan.
Dowladda Puntland ayaa dhowr mar oo hore ka dhawaajisay in dhulka Buuraleyda ah ee ku hareeraysan degamda Galgala oo ay horay ugu sugnaayeen xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab, ay soo gareen saraakiil iyo dagaalyahanno kale oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo kasoo kicitimay dhianca koonfurta.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Maamulka Boocame oo Sheegay in Deegaankooda ay ka Tallaabeen Kooxo ka tirsan Al-shabaab oo ku wajahnaa Galgala
More News
- Minnesota oo laga xusay sanad guuradii 40-aad ee far-Soomaaliga
- Barnaamijka Tartanka Hirgeli Hammigaaga Faneed oo Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO)
- Madaxweynaha Puntland oo Garoowe kula kulmay Safiirka Dowladda Biritain ee Soomaaliya Matt Baugh (SAWIRRO)
- Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya oo ka warbixiyay Safarkii uu ku tagay Magaalada Kismaayo
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulammo la yeeshay saraakiisha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed (SAWIRRO)
- Dagaal ka dhacay duleedka degmada Xudur iyo Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo qarka u saaran Buur-hakabo
- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey 87 ruux oo shaqaale dawladeed ah kuwaasoo ka baxay Machadka Shaqaalaha
- Oday Soomaaliyeed oo ka qalin-jebiyay Jaamacadda London (DAAWO VIDEO)
- Siyaasiyiin iyo qaar kamid ah bulshada rayidka ah oo Axmed C/salaan ku soo dhaweeyay Nairobi (SAWIRRO)
- Illaa shan Safiir oo Reer Yurub ah oo Warqadahoodii Aqoonsi ahaa u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya (SAWIRRO)
- Mas'uuliyiinta Dowladda ee Gobolka Bay oo ku hanjabay in ay Saacadaha soo socdo la wareegi doonaan Buurhakaba
- Dabley hubeysan oo xalay rasaaseeyey gaari ka baxay waqooyiga Gaalkacyo ee Gobolka Mudug dadna ku dhaawacay
- Xoogag Taabacsan Al-shabaab oo dilay Guddoomiyihii Deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo iyo ku Xigeenkiisii