4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 26, 2013
Oday Soomaaliyeed oo ka qalin-jebiyay Jaamacadda London (DAAWO VIDEO)

Abuukar Mohamud Ahmed "Tuuryare"
Talaado, February 26, 2013(HOL): Qofna waxbarasho kama duqoobo, cilmigana qofka waa baran karaa markaa uu dhasho illaa uu ka dhinto, sida qur’aamka kariimka ah ku cadna ma eka qof wax bartay iyo qof aanan waxba baran.

Waxaan daliilladan waxbarashada u soo qaatay in aan qormadan ku caddeeyo in waxbarashadu aysan da’ lahayn, qof kastana uu wax baran karo, sida uu xaqiijiyay Abuukar Mohamud Ahmed "Tuuryare" oo  da’diisa ay kor u dhaaftay 70 sano, isla markaana ka baxay Jaamacad ku taalla London.

Qofna waxbarasho kama gaboobo "No one is too old to learn".

Abuukar Mohamud Ahmed "Tuuryare" wuxuu culuumta Computerka ka bartaa Jaamacada London Southbank University,  isagoo Master Degree diyaarinaya. Abuukar Mohamoud Ahmed waxaa uu Jaamacadda London ka hor uu wax ka bartay Maaltek Computer Training oo uu aas-aaska culuumta computerka ka dhigtay.

Abuukar Mohamoud Ahmed oo warramay  C/llaahi Axmed Maalin oo ka tirsan TV-ga SNTV ayaa wuxuu ka taariikheeyay sidii ugu suurtagashay in uu Jaamacadda London dhigto, isagoo da’diisa ay weyn tahay, wuxuuna muujiyay ina y taasi u sahashay isagoo niyad u hayay waxbarashada.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA ABUUKAR TUURYARE



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]