Hay’adda DBG oo deeq raashin ah u qaybisay Qoysasa Barakacayaal ah oo ku Nool Magaalada Muqdisho iyo Nawaaxigeeda (SAWIRRO)

Cabirka Farta


Arbaco, December 11, 2013 (HOL) — Hay’adda DBG (Daryeel bulsho Guud) ayaa waxay maanta deeq raashin ah oo dhameyd 51-tan ay u qaybisay barakacayaasha ku nool Muqdisho iyo nawaaxigeeda raashin dhan.

Deeqdan ayaa waxay ka koobnayd bariis, saliid, digir iyo sonkor. Qoysaska loo qaybshay raashinka ayaa waxay tiradoodu ahayd 510-qoys, kuwaasoo sheegay in deeqda lasoo gaarsiiyay xilli ay baahi weyn u qabeen.

Gargaarkan ayaa waxaa bixiyay urur samafal ee isku-tagay loona yaqaano ACT Alliance, iyadoo lasoo marsiiyay hay’adda Jarmalka ee la yiraahdo DKH oo fadhigeedu yahay magaalada Berlin oo ah xarunta dalka Jarmalka.

Qaybinta raashinkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa agaasimaha guud ee DBG, Cumar Colaad iyo saraakiisha hay’adda u qaabilsan mashaariicda iyo taakuleyta.

Ma ahan markii ugu horreysay oo hay’adda DBG ay raashin gargaar ah u qaybisay qoysaska barakacayaasha ah ku nool Muqdisho iyo nawaaxigeeda, iyadoo mas’uuliyiinta hay’adda ay sheegeen in howshan ay sii socon doonto.












Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya