Arbaco, December 11, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sida uu ka yeellayo haddii looga guuleysto doorashada dhacaysa bisha Jannaayo ee sannadka soo socda.
Faroole ayaa ka mid ah musharraxiinta u tartamaysa xilka madaxweynanimo ee Puntland, waxaana doorashada dhawaan ka qabsoomaysaa Puntland ay noqon doontaa doorshadii ay ka qayb-galaan musharrixintii ugu badneed ee isku soo taaga xilka madaxweynanimo ee Puntland.
C/raxmaan Faroole ayaa mar uu saxaafadda kula hadlayey Garoowe oo uu shalay kusoo labtay ayuu si cad u xaqiijiyay inuu aqbalayo sida ay u dhacdo doorashada, haddii laga guulestana uuna ku qancayo, isagoona sidoo kale si xaqijiyay inuusan wax dhib ah horseedi doonin haddii doorashada Puntland looga guuleysto uuna noqon doono oday ka mid ah dadka Puntland.
“Ma naqonayo mid maleeshiyaad sameysta oo dalka kala xira ee waxaan noqnayaa mid aqbala natiijada, waxaana la shaqeyn doonaa cid walba oo guuleysata, waxaana noqon doonna mid ka mid ah odayaasha Puntland ee nabadda dalka iyo dadka ka shaqeeya, balse arrinta jirta waxaa ay tahay shacabka Puntland iyagaa og ciddii u roon oo aayahooda ka talin karta," ayuu yiri Faroole yiri.
Sidoo kale, madaxweynaha Puntland ahna murashaxa xilka madaxnimo u taagan ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo qaaday in qorshihiisu uu yahay inuu doorashadan ka qayb-galo, balse aysan jiri doonnin inuu isku soo sharraxo doorashada kale.
Murashax Faroole wuxuu isku amaanay in wax muuqda uu soo qabtay muddadii uu hayay tallada iyo haggaanka Puntland, taasina ay tahay sida uu sheegay mid aan indhaha laga daboolan doonin.
Hadalka madaxweynaha Puntland waxay kusoo aadaysaa xilli uu muran ka dhex-jiro isaga iyo musharraxiinta kale ee xilka madaxweynanimo kula tartamaya, waxaana ay isku diiddan yihiin guddi uu dhawaan u magacaabay khilaafadka iyo ansixinta, taaso keentay in masharraxiintu dhankooda ay iyaguna ku dhawaaqan mid la mid ah guddiga uu Faroole magacaabay.
Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya