Al-shabaab oo Sheegatay Mas’uuliyadda Weerar lagu Dilay Shan ka mid ah Askarta Booliiska Kenya iyo Dad Rayid ah

Cabirka Farta


Arbaco, December 11, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay weerar shalay ka dhacay deegaanka Libooyo ee dalka Kenya, kaasoo lagu dilay siddeed qof oo shan ka mid ah ay ahaayeen askarta booliiska Kenya.

Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkaas ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan xoogagooda, ayna ku gubeen gaadiid ay lahaayeen ciidamada dalka Kenya

“Mujaahidiintu waxay ku guuleysteen inay gudaha Kenya ku dilaan siddeed ka mid ah askarta Kenya oo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal sare, waxaana sidoo kale lagu gubay gaadiidkii ay wateen,” ayuu yiri Abuu-muscab

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay inay tani caddeyn u tahay inay ka geysan karaan meel walba oo Kenya ka tirsan weerar, wuxuuna xusay inay sii socon doonaan weerarrada ay ku qaadayaan gudaha Kenya inta ciidanka Kenya ay joogaan gudaha Soomaaliya

“Dadka Kenya waxaan u sheegaynaa inaysan nabad ku ladi doonin inta ay ciidamadoodu ku sugan yihiin Soomaaliya ayna dhibaato u geysanayaan shacabka muslimka ah ee Soomaaliyeed,” ayuu Abuu-Muscab hadalkiisa ku daray.

Weerarkan oo ahaa mid gaadmo ah ayay saraakiisha booliiska Kenya waxay sheegeen in lagu la’yahay laba ka mid ah askartooda, sidoo kalena ay si xun ugu dhaawacmeen laba kale.

Afhayeenka oo sii hadlay ayaa sheegay in weeerarro ay ka geystaan gudaha dalka Kenya ay ula mid tahay iyagoo weerar ka geystay inta u dhexeysay deegaannada Taabto iyo Qooqaani oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Guddoomiyaha degmada Dhoobley ayaa sheegay inay dowladda Kenya ku wargeliyeen ciidamada weerarka geystay markii ay ka gudbeen xadka, balse aanay waxba kasoo qaadin Kenya warbixinta ay siiyeen, wixii ay ka digeenna ay dhaceen.

Tan iyo markii ay dowladda Kenya ciidamadeeda qaybta ka noqday AMISOM ay u soo direen gudaha Soomaaliya waxaa dalkaas ka dhacayay weerarro ay geysanayeen xoogag Al-shabaab ka tirsan, kuwaasoo lagu dilay shacab iyo askar Kenyan ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya