Mas’uul lagu dilay Kismaayo iyo Ciidamada Amniga oo howlgallo dad badan lagu Qab-qabtay ka sameeyay Magaalada

Cabirka Farta

Arbaco, December 11, 2013 (HOL) — Waxaa xalay fiidkii, salaaddii maqrib kaddib gudaha magaalada Kismaayo lagu dilay masuul ka tirsanaa waaxda canshuuraha ee dekedda Kismaayo iyadoo dhaawac loo geystay askari kale oo ka tirsana ciidamada maamulka.

Marxuumkan la dilay ayaa lagu magacaabi Jiray Macalim Axmed Raaxeeye, waxa uuna ka tirsanaa waaxda canshuuraha ee dekedda Kismaayo, waxaana xilligii dilka loo geysanayay uu ku sugnaa agagaarka Masjid uu kusoo tukaday salaadda Maqribka.

Dilkan ayaa waxa fuliyay kooxo ku hubeysnaa baastoolado, kuwaasoo aan heybtooda la aqoon, waxaana markii ay dilka geysteen ka dib ay isaga baxsadeen goobta.

Ciidamada ammaanka maamulka Kismaayo ayaa durbadiiba gaaray goobta uu shilku ka dhacay, waxa ayna baaritanno ka sameeyeen xaafadaha ku dhow dhow halka uu dilku ka dhacay.

Howgalladii xalay ayaa lagu soo qabqabtay dad aad u badan, kuwaasoo intoodii badnayd saaka la sii daayay wallow ay jireen dad iyagu laga shakisanyahay oo ay weli ciidamadu baarayaan.

Dilkan gudaha magaalada Kismaayo loogu geystay masuulkan ka tirsan maamulka Jubba ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan magaalada Kismaayo laga saaray ciidamo aad u tiro badan oo saldhigyo kala duwan ku lahaa magaalada, waxaana ammaanka magaalada lagu wareejyay ciidamo gaar ah oo uu mudo tababar u socday iyo kuwa nabadsugidda maamulka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya