Dowladda Federaalka Somalia oo Ururka iskaashiga Islaamka weydiisatay in la howlgeliyo Sanduuqa Kaalmada Soomaaliya

Cabirka Farta


Arbaco, December 11, 2013 (HOL) — Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weydiisatay ururka iskaashiga islaamka ee OIC in dib loo howlgeliyo sanduuqii kaalmada Soomaaliya, iyadoo codsigan ka jeedisay shirkii 40-aad ee wasiirrada dibada ee dalalka Islaamka oo ka socda xarunta dalka Gini ee Conakry.

Kulankan ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ku matalaya wakiilka Soomaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka, C/risaaq Sayid Cabdi. Iyadoo shirkan looga hadlayo dhaqanka iyo nabadgalyada waddamada Islaamka.

Sidoo kale, shirkan ayaa looga hadlayaa arrimaha dalalka Falastiin, Siiriya, Maali, Soomaaliya, qowmiyadda muslimiinta ee Rohingya ee dalka Myanmar iyo isbadallada uu sameeyay ururka tan iyo shir madaxeedkii gaarka ahaa ee lagu qabtay magaalada Maka ee dalka Saudi Arabia sannadkii 2005-tii.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalbaday in dib howlgeliyo sanduuqan iyadoo la tixraacayo go’aannadii kasoo baxay shirar madaxeedyadii lagu kala qabtay dalalka Kazakhstan sannadkii 2011-kii iyo kii Jabuuti sannadkii 2012-kii.

Shirkan oo lagu wado in maanta lasoo gaba-gabeeyo ayaa ergeyga Somalia ku matalaya shirka lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo shirka taasoo uu ku qeexi doono horumarka ay Soomaaliya ku taallaabsatay sannadkii ay jirtay dowladda federaalka ee rasmiga ah, gaar ahaan dhinacyada nabadgalyada iyo dowlad-wanaagga, taasoo qayb ka ah howlaha ay dowladdu fulisay intii ay jirtay ayna ku doonayso helidda iyo fulinta qorshayaasha dib u dhiska iyo maal-gashiga dalka.

Inkastoo aan la ogeyn go’aanka kasoo bixi doono ururka Iskaashiga dalalka Islaamka ayaa haddana waxaa jirtay in dowladda Soomaaliya lacago badan loogu deeqay kaddib shirar lagu qabtay dalal badan oo calaamka, taasoo ay mas’uuliyiinta dowladdu sheegeen inaysan soo gaarin.

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa sannad ka hor ka furtay xafiis magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, kaasoo tan iyo xilligii la furay Soomaaliya ka fuliyay mashaariic horumarineed oo kala duwan, sida qodista ceelal ay dadku biyo ka cabaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya