4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 8 , 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Magaalada Oslo Kulammo Kula yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Norway

Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin dalka Norway ayaa maanta kulammo kala duwan kula qaatay magaalada Oslo ee xarunta dalkaas mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Norway.

Kulammadii ugu horreeyey wuxuu la qaatay, wasiirka hormarinta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Norway, Mr. Holmes; waxayna kulankaas oo saacado qaatay ay uga hadleen isbedellada siyaasadeed iyo midka ammaan ee ka jira Soomaaliya iyo doorka ay dowladda Norway ku yeelan karto sidii Soomaaliya loo caawin lahaa.

Prof. Jawaari oo kulanka ugu horreyn ka hadlay ayaa uga mahad-celiyay dowladda Norway iyo shacabkeeda soo dhaweynta iyo casuumadda ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiis; wuxuuna sidoo kale uga mahad-celiyey sida ay had iyo goor u garab-taagan tahay dowladda Soomaaliya, isagoo intaas kaddib faahfaahin ka bixiyay hormarka guud ee dalka ka jira iyo sida madaxda dowladda Soomaaliya uga go’an tahay inay sii wadaan dadaallada ay billaabeen.

Wasiirka hormarinta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Norway, Mr Holmes oo dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa aad ugu ammaanay madaxda Soomaaliya isbedelka cusub ee ay Soomaaliya u horseedeen; iyadoo wasiirku tilmaamay in dowladda Norway ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kulankaas kaddib guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu kulan kale la qaatay quburro ka tirsan dowladda Norway; kuwaasoo uu guddoomiyhu kala hadlay sida ay u arkaan isbedellada dalka ka jira iyo waxay jeclaan lahaayeen aragti ahaan in lagu kordhiyo hannaanka ay hadda wax u socdaan iyadoo quburadu ay aad u ammaaneen isbedellada xiligan Soomaaliya ka jira.

Maalinnimada berri ah ayaa lagu wadaa in gudoomiyaha baarlamaanka uu la kulmo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Norway; waxaana kulammadii maanta guddoomiyaha ku wehlinayay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka, Jeelaani Nuur Iikar.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya