Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa bartamaha degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan ku toogtay gabar dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay ahayd jaajuusad u shaqeysa dowladda federaalka ayna qabteen iyadoo falal shirqool ah gacanta kula jirta.
Gabadha la toogtay oo lagu magacaabi jiray Ayaan Maxamuud Casar oo 22-jir ahayd la sheegay in lagala dagay gaari ka tagay Muqdisho oo ka tagay oo ku sugan degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
“Ayaan waxay ahayd jaajuus u shaqeynaysay dowladda Soomaaliya, iyadoo cadowga u gacan-gelisay toddoba ruux oo mujaahidiin ah oo uu ku jiray macallinkeeda,” ayuu yiri waaliga Al-shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose, Sheekh Yuusuf Cali Ugaas oo hadlayay dilka gabadha kaddib.
Sidoo kale, waaligu wuxuu sheegay inay jiraan kuwo kale oo gacanta kula jira falalkan oo kale ayna ku daba-joogaan; iyadoo barxadda uu dilku ka dhacay ay ku sugnaayeen boqolaal qof oo ka tirsan dadka deggen degmada Buulo-burte.
Goobjoogayaal ayaa iyaguna sheegay in haweeneyda ay toogteen dhowr dhallinyaro ah oo basootado watay iyadoo dilkan uu noqonayo kii ugu horreysay oo ay Al-shabaab sannadkan ku fuliyaan gabar ay ku eedeeyeen inay jaajuus u ahayd dowladda Soomaaliya.
Al-shabaab ayaa ka talisa degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo dowladda iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM ay ka taliyaan deegaanno ay ka mid tahay magaalada Baladweyne oo ah xarunta gobolka Hiiraan.
Ma ahan markii ugu horresyay oo ay Al-shabaab toogasho u dilaan dad ay ku eedeynayaan inay jawaasiis u yihiin dowladda Soomaaliya, Itoobiya iyo Mareykanka, balse dhowr jeer oo hore ayay toogteen rag iyo dumar ay ku eedeynayaan dambiyadan oo kale.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Al-shabaab oo Magaalada Buulo-burte ku toogatay Gabar ay ku eedeeyeen in ay Jaajuus u ahayd Dowladda Soomaaliya
More News
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Magaalada Oslo Kulammo Kula yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Norway
- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo kulan muddo dheer qaatay la yeeshay Dhiggiisa Itoobiya (SAWIRRO)
- Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Baydhabo oo u dhintay Afar kun oo Shilling Soomaali ah
- Maamulka KMG-ka ah ee Magaalada Kismaayo oo Mamnuucay in Hub Sharci-darro lagu dhex-qaato Magaalada
- Wafdigii shalay gaaray Baladweyne oo kulammo la leh Mas'uuliyiin Maamulka Gobollka Hiiraan ka tirsan iyo Qaybaha Bulshada
- Siilaanyo Guddi Heer Qaran ah u Magacaabay xuska 18-ka May, isagoo amar kasoo saaray Iskaraabka Yaalla Somaliland
- Golaha Wasiirrada Somalia oo kulan ka yeeshay Digniintii Britain, Ammaanka Muqdisho iyo Howlaha Xukuumadda
- Madaxweyne Siilaanyo oo sheegay in laba Mowqif oo kala Fog ay kala Taagan yihiin Somaliland iyo Soomaaliya (SAWIRRO)
- Agaasimihii Hay’adda Nabadsugida Qaranka oo ka digay Weerarro Argagaxiso oo ka dhaca Magaalada Muqdisho
- Madaxweynaha Somalia oo Tababar u soo xiray Boqollaal ka tirsan Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya
- Somalia oo markii ugu horreysay ka Qaybgashay Tababarka Dublamaasiyiinta da'da yar ee Adduunka oo ka socda Turkiga (SAWIRRO)
- Dib u dhac ku yimid Shir looga hadli lahaa Ammaanka Soomaaliya oo ka Furmi lahaa Xarunta Itoobiya ee Addis Ababa