4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 8 , 2013
Madaxweyne Siilaanyo oo sheegay in laba Mowqif oo kala Fog ay kala Taagan yihiin Somaliland iyo Soomaaliya (SAWIRRO)


Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo maanta u ambabaxay dalka Turkiga oo uu ka furmayo shir lagu wada-hadalsiinayo Somaliland iyo Soomaaliya ayaa sheegay inay soomaaliya ku qancinayaan sidii ay u aqoonsan lahaayeen madax banaanidda Somaliland, inkastoo ay laba mawqif oo kala durugsan la kala taagan yahay, haseyeeshee albaabadda wada hadalka aanay xidheyn ee ay soo dhoweynayaan in la wada hadlo.

Sidaas wuxuu ka sheegay mar uu maanta ka dhoofayey madaarka magaaladda Hargeysa oo uu warbaahinta kula hadlay qolka nasashadda ee madaarka, waxaanu sheegay in shirar kale oo Soomaaliya loo qabanayey ay diideen inay ka qaybgalaan ka dib markii ay dantoodda ka waayeen, balse uu shirkan u arkay mid dan ugu jirto Somaliland, taas oo uu caalamka usoo bandhigayo qadiyadda madax banaanidda Somaliland.

“Shirar kale ayaynu ka qaybgalnay, kuwo  aynu ka gaws-qaniinayna way jiraan, sababtoo ah way inoo cuntimi waayeen oo waxay u muuqanaysaa in aynaan u sinayn oo wada hadal buuxda ku lahayn”ayuu yidhi madaxweynuhu isagoo ka hadlaya shirkii ay biyo diideen iyo kuwii ay ka qaybgaleen, waxaanu intaas ku daray “ Turkiga ayaanu maanta tagaynaa oo wada hadalkii ayaa inoo furmaya, Dan iyo maslaxad ayaa inoogu jira, waxaan inoo rajaynaa in qadiyadeena aynu dunida gaadhsiino oo shirarka caalamka tagno oo qadiyadeena oo la maqlaa waxa ku jira danta Somaliland, cida doonaysa in qadiyadeenna caalamka gaadhsiisaa waa innaga.”

Mar uu ka hadlayey waxa laga hadlayo waxa  uu yidhi “shirkaasi waa mid Somaliland iyo soomaaliya la wada hadalsiinayo, qodobada laga hadlayaana way iska cad yihiin oo Soomaaliya waxay doonayaan in la isku noqdo, Somaliland waxay doonaysaa madaxbanaanideedda in ay dunida aqoonsato, halka weeyi halka la iskaga hor imanayaa, laakiin xidhi mayno albaabada ee inagoo qadiyadeena sheegayna ayeynu dunida tusaynaa oo waynu garnaqsanaynaa”ayuu yidhi isagoo tilmaamaya inuu wada hadalku adkaanayo oo laba mawqif la kala taagan yahay.

Madaxweynaha waxa  uu sheegay inay safarkiisana ku wehelinayaa madaxda xisbiyadda Qaranka, shirgudoonka golaha Wakiiladda iyo Guurtidda iyo xubno wasiiro ah, kuwaas ka qaybgalli doonna shirka.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ku hakan doonaa Itoobiya, isla markana waxa la sheegay inay madaxweynaha ka sii horeyn doonaan guddi farsamo oo sii diyaarinaya qaabka loo wada hadlayo

Si kastaba ha ahaatee, shirkan wada hadalka labadda dhinaca waxa qabanqaabinaya dawladda Turkiga, haseyeeshee waxay xukuumaddu sheegtay inay Turkigu kaliya fududaynayso in la wada hadlo balse waxa laga hadlayo iyo ajandaha wada hadalkaba ay soomaalidu u madax banaan yihiin.








Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland