4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 8 , 2013
Agaasimihii Hay’adda Nabadsugida Qaranka oo ka digay Weerarro Argagaxiso oo ka dhaca Magaalada Muqdisho

Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Agaasimihii hay’adda nabad-sugidda Qaranka, Axmed Macallin Fiqi ayaa ka digay weerarro argagixiso oo ka dhaca magaalada Muqdisho, isagoo hadalkan kusoo beegay iyadoo dowaldda Ingiriisku ay maalmo ka hor soo saartay digniin ku saasan in Muqdisho ay ka dhici karaan weerarro argagaxiso.

Fiqi oo ka hadlayay xaflad lagu sagootinayay ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay ka digtoonaadaan falalkaas, inkastoo uusan sheegin halka ay ka imaan karaan.

“Muqdisho waxay ka soo kabanaysaa dhibaatooyin fara badan oo horay u soo maray, dadka Soomaaliyeed waxay galeen maalmo ka duwan kuwii hore, waxaan ku talin lahaa in laga hortago wax walba oo khatar ku am aniga iyo deggenaasha caasimadda iyo guud ahaan dalka Soomaaliya,” ayuu yir Fiqi oo sheegay inaan la dhayalsan Karin hadalka kasoo baxay Britain.

Sidoo kale; agaasimihii hore ee hay’adda nabadsugidda Qaranka, wuxuu ka sheegay xafladda inay suurogal tahay inay dhacaan waxyaabaha laga digayo ama aysan dhicin, balse mar walba waxaa loo baahan yahay in hay’adaha ku shuqulka leh ammaanka inay feejignaan dheeraad ah sameeyaan.

“Dingiinta uu Ingiriisku bixiyay waa mid hab noqon karta, dowladdu waa in ay si deg-deg ah uga jawaabto fariimaha soo baxaya ee ku saabsan inay ka dhici karaan Muqdisho falal argagaxiso oo ay geystaan Al-shababa iyo kooxo kale oo dowladda kasoo horjeeda,”  ayuu Fiqi hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, agaasimihii hore oo bishii hore ku dhawaaqay inuu xilka iska casilay ayaa sheegay in Al-Shabaab aan lagula dagaalami karin oo keliya madaafiic iyo taangiyo, balse loo baahan yahay in la dhex-galo dhallinyarada lagana dhaadhiciyo fikrado ka duwan kuwa ay Al-shabaab ka dhaadhiciso.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan jirin wax khatar ah oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho, iyadoo ka jawaabaysay digniintii ay dowladda Britain ku sheegtay inay Muqdisho ka dhici karaan weerarro argagaxiso oo heer gabo-gabo ah maraya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya