4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 22, 2013
Duqa Muqdisho oo Shaaciyay in Nalalka la gelinayo Jidadka Muqdisho ay Qayb ka Qaadanayaan Sugidda Ammaanka


Isniin, Abriil 22, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa shaaciyay in nalalka ku shaqeeya cadceedda ee la gelinayo waddooyinka Muqdisho ay qayb weyn ka qaadanayaan sugidda amniga iyo horumarka ganacsiga xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

Tarsan ayaa hadalkan sheegay kaddib markii uu kasoo baxay kulan looga hadlayay sidii lagu gelin lahaa nalalka cadeedda ku shaqeeya waddada 30-ka oo ka mid ah waddooyinka ugu waaweyn caasimadda Soomaaliya.

“Nalalka ku shaqeeya kulka cadceedda ama qorraxda ee la gelinayo jidadka Muqdisho marka hore waa siyaasad lagu doonayo in gobolka lagu qurxiyo, marka xigtana waxay qayb weyn ka qaadanayaan sugidda ammaanka, koboca dhaqaalaha iyo kuwa miinoooyinka dhigaya ay ka cararaan maadama la arkayo,” ayuu yiri Tarsan.

Duqa Muqdisho ayaa intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed laga doonayo inay ilaashadaan nalalkaas oo uu ku sheegay inay yihiin hanti ay iyagu leeyihiin, isagoo sheegay in kuwa laga ilaalinayo aysan ahay oo keliya Al-shabaab, balse kuwa qash-qashaadaya ee doonaya in lacago lagu siiyo ay ka difaacdaan.

“Shacabka iyo maamulka degmo kasta waxaa laga doonayaa in marka ay soo in nalalka la geliyo deegaankooda ay ka difaacaan kuwa tahdiidka ama cago-jugleynta ku sameynaya shaqaalaha, tahdiidku ma ahan mid Al-shabaab oo keliya ka imaanaya, balse wuxuu ka imaanayaa mid aan waxba fahmayn oo qori wata oo oranaya aniga la ima ogeysiis si laaluush loo siiyo,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay in nalalka qorraxda ku shaqeeya la geliyo jidadka Muqdisho oo dhan marka lasoo gabgabeeyo howsha jidka soddonka oo billaaban doonta dhawaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya