4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 22, 2013
Dagaal saacado badan socday oo Ciidamada Dowladda Somalia iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab ku dhexmaray Gobolka Bakool

Isniin, Abriil 22, 2013 (HOL) — Ugu yaraan lxi qof ayaa ku dhintay tiro intaa ka badanna way ku dhaawacmeen kaddib markii dagaallo culus oo billowday salay gellinkii dambe ay ka qarxeen deegaanno ku dhow degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Dagaalladan ayaa waxay u dhexeeyeen ciidamada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab, waxaana sarkaal u hadlay maamulka gobolka Bakool ee dowladda Soomaaliya uu sheegay inay ciidamada dowladdu weerarka qaadeen.

“Ciidamada dowladda ayaa weerar ku qaaday deegaanno ku dhow degmada Xudur oo ay ku xoogganayeen Al-shabaab, waxaana halkaas kaga dilnay in ka badan lix qof, tiro kalena waan kaga dhaawacmay. Deegaanka Garas-weyne waxaa la wareegay ciidamada dowladda” ayuu yiri Maxamed Macallin ah oo guddoomiyaha gobolka Bakool ee dowladda Soomaaliya.

Ma jiraan ilo wareedyo xaqiijinaya in ciidamada dowladdu ay qabsadeen deegaanka Garas-weyne oo ay Al-shabaab haysatay, balse goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalladu ay dhaceen ayna illaa xalay socdeen. Iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in ciidamada dowladda ay toogteen dad ganacsato ah.

Al-shabaab kama aysan hadlin dagaalkaas, waxaase la xusuustaa in bishii lasoo dhaafay ay si lama filaan ah uga baxeen degmada Xudur ciidamadii dowladda Soomaaliya iyo kuwii Itoobiya ee caawiyay, iyadoo ay Al-shabaab la wareegtary degmadaas oo ay illaa hadda ka taliso.

Gobolka Bakool oo dhinaca Galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa ka mid gobolllada uu ku yaallo xuduudka ay wadaagaan Itoobiya iyo Somalia, waxaana dhowr jeer oo hore ku dagaalamay Al-shabaab iyo ciidamada dowladda oo ay caawiyaan kuwa Itoobiya.

Xaaladda ayaa hadda deggen, waxaana saraakiisha dowladdu ay weli ku goodinayaan inay sii wadi doonaan weerarrada ay ku qaadayaan deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan tahay gobolkaas inta ay ka saarayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya