3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 22, 2013
Shacabka Somaliland oo aragtiyo isku dhow ka bixiyey go’aankii madaxweyne Siilaanyo uu ku diiday ka qaybgalka shirka London

Isniin, Abriil 22, 2013 (HOL) — Dadweynaha Somaliland, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay go’aankii madaxweynuhu ku diiday inuu ka qaybgallo shirka loo qabanayo soomalidda ee magaaladda London bisha soo socota loogu qaban doono.

Maalmihii u dambeeyey ayaa dadweynuhu hadal hayeen kulankii uu la yeeshay madaxweynuhu Ra’isal wasaaraha Ingiirka David Cameron oo ka codsaday in uu ka soo qaybgallo shirka bisha May toddobadeedda ka qabsoomi doona magaaladda London oo arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayey, haseyeeshee madaxweynuhu wuxu ku adkaystay go’aankiisii hore ee uu ku qaadacay ka qaybgalka shirkaasi.

“Madaxweynuhu may ahayn inuu dawladda Ingiriiska sidaas ula hadlo oo uu ka diido maadaama oo ay tahay dawladaha aduunka ugu tuga weyn, isla markaana Somaliland wax badan ka caawiso, waxayna ahayd inuu Ixtiraamo kulanka Ra’isal wasaaraha,maxaa yeelay wuxuu awoodaa inuu cuno qabatayn inagu soo rogo”sidaas waxa ku dooday Muxuyiiin Maxamed Jaamac.

Cabdiqani X. Cali ayaa isna sheegay inuu madaxweynuhu ku hagaagsanaa inuu diido,isla markaana uu muujiyo inuu dawlad yahay oo waxna diidi karo waxna ogolaan karo, “Horta waxaan u arkaa diidamadaasi uu madaxweynuhu ajandihii Ingiriis ku diiday in la inoo arko in aynu nahay dad sharaf leh, waxayna caalamka tusaynaa waxaynu nahay oo la inagu tixgalinayaa, marka inagoo tixgalinayna Ingiriiska hadana in aynu mawqifkeena ka hadalno waa wax loo baahan yahay oo aanu ku taageerayno madaxweynaha”

“Anigu waan ku taageersanahay go’aanka madaxweynaha, waayo madaxweynuhu wuxu muujiyey inuu la siman yahay, isla markaana aanu waxba dheerayn Ra’isal wasaaraha Ingiriisku, waxa kale oo iyana muhiim ah inuu madaxweynuhu Ingiriiska tuso inuu dawlad yahay oo shacab ka dambeeyo, wuxuna ogaan doono Ingiriisku in aynu nahay dad iyo dal jira, sidaa darteed aad baan ugu hambalyeeyey go’aankaasi uu Ra’isal wasaaraha horteedda ka muujiyey iyo sida aanu go’aankiisii hore waxba uga bedelin ”ayey tidhi  Saynab Jaamac oo aragtideedda cabiraysa.

“Anigu madaxweynuhu talaabadda uu ku  dhaqaaqay waan ku faraxsanahay waana ku dhiirigalinayaa, aad baan ugu faraxsay go’aanku qaatay iyo sida uu u fuliyey, marka madaxweynaha waxaan leeyahay guul baan ku rajaynaya inaad shacabkan ku doortay aad u hiiliso oo aanay cid ku ixtiraamin madaxbanaanidda Somaliland ”ayey tidhi Sahra Cali oo ah hooyo ku nool magaaladda Hargeysa.

 “Horta Shirka waxa loo qabanayaa Soomaaliya oo dib loogu dhisayo hay’adihii dawliga ahaa ee ka burburay, sidaa darteed Somaliland way ku saxsan tahay inay diido maadaama oo ay sheegtay in Ayna soomaliya ka mid ahayn, inkastoo Ra’isal wasaaraha Ingiriisku doonayey inuu arrintiisa ka dhaadhiciyo madaxweynaha hadana maaha inuu ku ixitraamo wax masiirkiisa umaadeed taabanaya, waanu ku saxsanaa in aanu arrintaasi ogolaan, ta labaad Somaliland labaatankii sanadood horumar weyn bay gaadhay oo lama mid maaha soomaaliya”ayuu yidhi Mukhtaar Suldaan xuseen oo ah macalin wax ka dhiga college- yadda magaaladda Hargeysa ku yaal.

Maxamuud Xuseen Jawhar oo isna aragtisiisa cabireyey ayaa yidhi “ Haddii aanu madaxweynuhu go’aankaasi waxba ka bedelin oo Maraykanku wax ka bedelin ama Ingiriisku dib wax uga bedelin waxaan u arkaa mid guul ah oo uu shacabkan sharaftoodda uu xambaarsan yahay muujiyey, laakiin haddii uu go’aankaasi wax ka bedelo waxay ceeb ku tahay qarankan iyo mdaxweynaha, waxaan leeyahay ku adkayso go’aankaaga oo yaanay cidi wax kaa bedelin”

“ Talaabadan uu ku dhaqaaqayna waa tii lagu doortay oo ah inuu madax banaanidda iyo wixii qaranimadda wax u dhimayo ka ilaaliyo, Ra’isal wasaaraha Ingiriiska David Camaron wuxu wadatay ajande isaga u gaar ah, wuxuu doonayey inuu ka dhaadhiciyo arrin uu doonayey, laakiin in kulankaasi uu madaxweynuhu la kulmay Ra’isal wasaaraha Ingiriiska uu wax ka bedelo masiirkii qaranka maaha mid looga fadhiyo, madaxweynuhuna wuxu qaatay go’aan geesinimo leh” ayaa ku dooday Cabdiqaadir Axmed Cabdi (Cajab) oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland oo xilal kala duwan ka soo qabtay xisbiga UCID.

Si kastaba ha ahaaatee, dadweynaha intoodda badan ayaa soo dhoweeyey go’aankii uu madaxweynuhu ku adkaystay in aanu ka qaybgalin shirka London ka dhici doonna, maadaama oo laga cabsi qabay inuu kulankii uu la yeeshay Ra’isal wasaaraaha Ingiriiska uu wax ka bedelo go’aankaasi, balse uu sheegay inuu ku adkaysanayo go’aankii uu hore u sheegay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online .
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
4/22/2013 2:55 PM EST
Isniin, Abriil 22, 2013 (HOL) - Wasaaradda war-faafinta, boostada iyo isgaarsiinta ee dalka Soomaaliya ayaa heshiis ku aadan soo celinta adeeggii boostada ee Soomaaliya waxay la gashay Wasaaradda Boostada ee dowladda Imaaraadka Carabta.

4/22/2013 12:53 PM EST
Isniin, Abriil 22, 2013 (HOL) — Howlihii garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo ayaa maanta hakad galay kaddib markii ay degmadaas saakay aroortii hore ka dhacday israsaaseyn u dhexeysay maamullada Galmudug iyo Puntland oo ka kala taliya Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo.

4/22/2013 12:17 PM EST
Isniin, Abriil 22, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ku amaray hay’adaha ammaanka dalka inay sharciga horkeenaan kooxihii ka dambeeyay dilka wariye Maxamed Ibraahim Raage oo shalay gellinkii dambe lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.

4/22/2013 12:15 PM EST
Isniin, Abriil 22, 2013 (HOL) — Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Jamaal Maxamed Barrow ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay hormuudka hay’adda ACCORD u qaabilsan Soomaaliya, Kwezi Mngqibisa, waxayna ka wadahadleen arrimo dan u ah dalka, dadka iyo Qaranka Soomaaliyeed.

4/22/2013 7:41 AM EST
Isniin, Abriil 22, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa shaaciyay in nalalka ku shaqeeya cadceedda ee la gelinayo waddooyinka Muqdisho ay qayb weyn ka qaadanayaan sugidda amniga iyo horumarka ganacsiga xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

4/22/2013 7:16 AM EST
Isniin, Abriil 22, 2013 (HOL) — Ugu yaraan lxi qof ayaa ku dhintay tiro intaa ka badanna way ku dhaawacmeen kaddib markii dagaallo culus oo billowday salay gellinkii dambe ay ka qarxeen deegaanno ku dhow degmada Xudur ee gobolka Bakool.

4/22/2013 6:59 AM EST
Isniin, Abriil 22, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta su’aalo weydiiyay wasiirka gaashaandhigga Somalia, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyadoo kulanka maanta uu shir-guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

4/22/2013 6:46 AM EST
Isniin, Abriil 22, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa sheegay in mashaariicda ay dowladda Turkigu ugu deeqdo Soomaaliya ay yihiin kuwa ku kooban magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.