4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2013
Madaxweynaha Puntland oo Xarigga ka Jaray Dhismaha Madaxtooyada cusub ee Puntland oo laga Hirgeliyay Garoowe (SAWIRRO)


Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiramxaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee madaxtooyada Puntland oo laga dhisay duleedka magaalada Garoowe ee xarunta Punland, kaasoo noqonaya madaxtooyadii ugu horreysay ee laga dhiso Garoowe.

Xaflada xariga looga jarayay madaxtooyadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka socday Qaramada Midoobay, saraakiil ka socda qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe, madaxda iyo mas’uuliyiinta Puntland iyo marti-sharaf kale.

C/raxmaan Faroole oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in madaxtooyadan ay qayb ka tahay wixii u qabsoomay xukuumaddiisa uu hormuudka, wuxuuna ku daray hadalkiisa in howlo kale oo badan ay dhiman yihiin.

“Dhismahan aad arkaysaan wuxuu ka kooban yahay laba guri oo aniga iyo ku xigeenkayga aan dagayno, xafiisyo, qayb loogu talogalay saraakiisha iyo ciidamada madaxtooyada iyo dhismayaal kale,” ayuu Faroole ku yiri hadal uu ku sharraxayay dhismaha, isagoo xusay in dhismaha xaruntan uu socday muddo ka badan hal sano.

Sidoo kale, wuxuu Faroole ku sheegay khudbadiisa in sidoo kale ay socdaan mashaariic kale oo ay ka mid yihiin dhismaha warbaahinta ku hadlaysa afka maamulka Puntland oo heer gabo-gabo ah maraysa iyo dhismayaal dib loogu habeynayo garoomada diyaaradaha ee Boosaaso iyo Garoowe oo uu sheegay in goor dhow la billaabayo.

Mar uu ka hadlay ammaanka Puntland ayuu sheegay inay ku guuleysteen inay horumar ka sameeyaan sugidda ammaanka, wuxuuna xusay inay sii wadayso Puntland horumarka dhinacyada siyaasadda iyo horumarinta.

“Doorashada golayaasha deegaanka Puntland waa lagu dhawaaqay xilliga ay dhacayaan waxaana naga go’an inaan ka dhabeyno, balse ururrada siyaasadda waxaan ugu baaqayaa inay u tartamaan sidii ay kalsoonida shacabka u hanan lahaayeen,” ayuu hadalkiisa raaciyay C/raxmaan Faroole.

 Madaxweynaha Puntland wuxuu dhinaca kale ka hadlay shirka Kismaayo ka socda ee maamulka loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayuu sheegay inay soo dhaweynayaan, wuxuuna ugu baaqay ergooyinka howsha wada inay xalliyaan khilaafaadyada jira si loo hirgeliyo dhismaha Jubbaland.

“Haddii aan Puntland nahay waxaan ku faraxsannahay dhimaha Jubbaland, waxaana rajeynaynaa in dhismaha maamulka uu ku dhaco si nabadgalyo ay ku jirto, ayna Jubbaland ka mid noqoto dowladda dhexe ee Soomaaliya,” ayuu Faroole hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Intii ay munaasabaddu socotay waxaa heeso iyo maaweelooyin kale ku mada-daalinayay dadkii kasoo qaybgalay xafladda koox ka dhisan Puntland, kuwaasoo qaadayay heeso u badan guubaabo.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya