4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo sheegay in 29-ruux ay ku dhinteen Weerarradii shalay ka dhacay Muqdisho (SAWIRRO)


Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada xukuumadda iyo taliyayaasha ciidamada ayaa maanta booqday maxkamadda gobolka oo uu ka dhacay shalay u weerarkii ugu xumaa ee soo mara Muqdisho. Isagoo sheegay inay ku dhinteen 29-qof ayna ku dhaawacmeen 58-qof oo kale.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale booqday isbitaalka Madiina oo la dhigay dadkii ku dhaawacmay weerarradii ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo ay sheegatay Al-shabaab.

Ra’iisul wasaaraha ayaa saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa kaddib markii uu soo dhamaystay booqashooyinka iyo shirarkii is-daba-jooga ahaa oo uu la qaatay xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo taliyeyaasha ciidamada dowladda.

“Qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho oo mas’uul ay ka ahayd Al-shabaab waa mid calaamad u ah cadowtinimada baahsan ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana tacsi u dirayaa dadkii shalay ku geeriyooday weerarkii waxashnimada ahaa, waxaana Alle weydiisanayaa inuu caafimaad siiyo kuwii ku dhaawacmay,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha oo dhanka kale xusay sida ay dowladda uga go’an tahay sidii looga horjoogsan lahaa weerarrada noocan oo kale ah.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu u mahad-celiyay ciidamadii goobta ka soo saaray qaar badan oo ka tirsan dadkii meesha ku sugnaa markii ay mashaqadu ka dhacday.

“Dowladdu waxay hambalyo u diraysaa ciidammadi ka hortagay inay dhacdo khasaaro intaas ka badan, dowladduna waxay guddoonsiin doontaa abaal-marin ciidamadaas oo si geesinimo leh ku galay goobta iyadoo ay ka socotay xilligaas qaraxyo iyo tacshiirado is-daba-joog ahaa. Dowladduna baaritaanno ayay ku sameyn doontaa sidii ay ku suurogashay in kooxaha argagaxisadu si fudud u soo galaan maxakamadda gobolka Banaadir,”  ayuu Saacid ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dhaawacyada oo gaaraya 58-qof ay toddobo ka mid ah xaaladdoodu liidato dowladduna ay dadaal ku bixin doonto sidii ay u heli lahaayeen kaalmo caafimaad oo dibadda ah, wuxuuna intaas ku daray in dowalddu ka xun tahay wixii ka dhacay maxkamadda gobolka, iyadoo la ogyahay in dhibaatooyin intaa ka badan ay ka gaystaan kooxaha argagaxisadu waddamo ciidan ahaan iyo qalab ahaanba ka horreeya Soomaaliya.

Ugu danabayntii ra’iisul wasaare Saacid wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay meel uga soo wada-jeestaan kooxda Al-shabaab, si looga hor-tago inay falal noocan oo kale ah mar kale geystaan.













Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya