4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2013
Dowladda Hoose ee Magaalada Laascaanood oo billaabaysa qorshe ay biyaha wasaqda ah kaga nadiifinayso Magaalada

Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiinta dawladda hoose ee degmada Laascaanood ayaa shaaca ka qaaday inay billaabayaan olole biyaha fadhiista badhtamaha magaalada lagaga hagaajinayo labada maalmood ee soo socda.

Xoghayaha dowladda hoose ee Laascaanood, Cabdi Khayre ayaa sheegay in cabshooyin badan oo kaga imaanaya dadweynaha ay howshan u bilaabayaan iyagoo la kaashanaya ganacsatada degmada.

Cabdi Khayre wuxuu sheegay in mashaakilka ugu badan ee magaalada ka jira uu yahay iyadoo ay dadku xireen waddooyinkii biyuhu mari lahaayeen, iyagoo aan ogolayn in moosaska biyaha celinaya in la baabi’iyo iyo iyagoo ka masuugaya cashuurtii aan ku shaqayn lahayn.

Xoghayaha ayaa ku dheeraaday inuu dadka ka dhaadhiciyo waxay ku kala duwan yihiin dowladda dhexe iyo dowladda hoose, isagoo tilmaamay inay iyagu yihiin kuwa loo diray waxqabadka bulsha ee aanay ahayn siyaasiyiin, waxaanu dadka ka codsaday inay cashuurta bixiyaan si ay wax muuqda u qabtaan.

Tallaabadan ayaa ka dambaysay kaddib markii maalmihii lasoo dhaafay ay qaar ka mid ah ganacsatada yar-yar ee magaaladu ay si is-daba-joog ah ugu sii qulqulayeen xarunta dowladda hoose iyagoo ka cabanaya biyo wasaq ah oo jiifa waddooyinka magaalada ayna ka baqayaan in cuduro ay ka dillaacaan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool