4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2013
Warar Dheeraad ah oo kasoo Baxaya Khasaarihii ka Dhashay Weerarradii kala duwanaa shalay ka dhacay Muqdisho


Isniin, Abriil 15, 2013 (HOL) — Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay khasaarihii ka dhashay weeraradii shalay ka dhacay Muqdisho, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in 33-qof oo isugu jira kooxihii weerarka qaaday, ciidamada dowladda, shaqaale iyo dad shacab ah ay ku dhinteen weerarradaas.

Sidoo kale, waxaa weerarradaas oo ay mas’uuliyadooda sheetatay Al-shabaab ku dhaawacmay in ka badan 50-qof kuwaasoo la geeyay xarumaha caafimaadka ee Muqdisho, halkaasoo dadkii dhaawaca qaarkood ay ku geeriyoodeen.

Isbitaalka Madiina ee Muqdisho ayaa la dhigay inta badan dhaawacyadii ka dhashay weerarradaas oo ahaa laba, waxaana ku dhintay isbitaalka saddex qof oo dhaawacyadoodu ay halis ahaayeen.

Dhimashada ugu badan ayaa waxay ka dhacday xarunta maxkamadda gobolka Banaadir oo ay weerarro toos ah iyo kuwo qaraxyo ay ku qaadeen xoogag taabacsanaa Al-shabaab oo dowladdu ay tiradooda ku sheegtay sagaal qof, inkastoo Al-shabaab ay sheegtay inay ahaayeen shan ruux oo keliya.

Xarunta maxkamadda sare ayaa waxaa ku dhintay 27-qof, kuwaasoo 22-qof o ka mid ah ay goobta ka qaadeen gaadiidka gurmadka deg-degga ah, iyadoo isla goobtaas laga qaaday in ka badan 40-qof oo dhaawacyo kala duwan qabay, kuwaasoo saddex ka mid ah ay ku dhinteen isbitaalka Madiina.

Sidoo kale, afar qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen Turki ayaa ku dhintay weerar kale oo Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay jidka isku xira garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo Isgoyska KM-4, kaasoo mas’uuliyadooda ay sheegatay Al-shabaab.

Weerarradii shalay oo ahaa kuwii ugu horreeyay noocooda oo ka dhaca Muqdisho ayaa waxay sababeen in magaalada Muqdisho ay kala xiranto, iyadoo dowladduna ay ku dhawaaqday inay billlaabayso dagaal ay ku baadi-goobayso xubnaha Al-shabaab ka tirsan ee ku sugan Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya