4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2013
Maamulka Cusub ee Gobolka Hiiraan oo sheegay in ay wax ka qaban doonaan Arrimaha Nabadgalyada Gobolka

Khamiis, Abriil 11, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka cusub ee gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa u sheegya warbaahinta in tallaabada ugu horeysay ee maamulkiisu qaadayo tahay wax ka qabashada arrimaha nabad-galyada.

Kaddib kulan mas’uuliyiinta maamulka gobollka ay la qaateen saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayuu sheegay guddoomiyaha in maamulka uu guddoomiyaha ka yahay qorsheynayo sidii uu awood maamulka ugu baahin lahaa gobollka oo idil.

“Wax ka qabashada nabad-gallyada waa qorshaha ugu horeeyay maamulka aan guddoomiyaha ka ahay, annaga oo kaashaneyna ciidamada Jabuuti ee AMISOM waxaan xoogga saari doonaa sidii gobollka oo idil loogu baahin lahaa awooda maamulka, iyadoo meesha laga saarayo kooxaha nabada ka soo horjeeda,’’ ayuu yiri Cabdi Faarax Laqanyo.

Waxaa uu amaan badan u jeediyay ciidamada Jabuuti oo sida uu sheegay wax badan ka badallay nabad-galyada magaalada Baladweyne, sidoo kalana dhisay tayada ciidamada maamulka gobollka Hiiraan.

“Runtii waan ku amaannayaa ciidamada Jabuuti howsha wanaagsan oo ay u hayaan bulshada ku dhaqan gobollka gaar ahaan magaalada Baladweyne, waxaan dhihi karaa isbadal muuqda oo la taaban karo ayeey ka sameeyeen amniga magaalada Baladweyne,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobollka Hiiraan.

Maalin ka hor ayeey aheyd markii munasabad ay ka qeyb-galleen wafdi ka socday dowladda federaalka oo ka dhacday magaalada Baladweyne xilka kula wareegeen mas’uuliyiinta maamulka cusub ee dowladdu soo magacaawaday.

Dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa si gaar ah isha ugu haya waxa soo kordhin doono maamulka cusub mudada lixda bilood ah oo uu xilka hayo, gaar ahaan marka la eego ku baahinta awooda maamulka deegaannada kale ee hadda gacanta ugu jira xoogagga Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya