4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la Kulmay Madaxweynaha Dalka Uganda & Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalkaas ku nool (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 11, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo laba maalmood ku sugan dalka Uganda ayaa kulammo la kala yeeshay madaxweynaha dalkaas, Yoweri Museveni iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda ku nool.

Kulanka Saacid iyo Museveni oo ka dhacay madaxtooyada Uganda ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga labada waddan, iyadoo diiradda lagu saaray sugida amniga iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ra’iisul wasaare Saacid uu uga warbixiyay madaxweynaha Uganda guulihii ammaanka ee uu dalku gaaray.

"Waxaan doonaynaa inaan ka badbaadino Soomaaliya argagixisada iyo dhibaatada ay ku heyso oo ay ka midka yihiin, in caruurta loo adeegsado dagaallada, barakicinta, dilka aan sharciga waafaqsaneyn iyo cabsi-gelinta shacabka," ayuu yiri Saacid, isagoo xusay inay weli jiraan deegaanno ay ka taliso Al-shabaab ayna dowladdu qorsheynayso inay ka saarto.

Ra'iisal wasaaraha oo sii hadlaya ayaa yiri: “Argagaxisadu Soomaalya oo keliya khatar kuma ahan balse gobolka iyo dunida oo dhan ayay khatar ku yihiin. Maadaama Soomaaliya laga qaaday cunnoqabateyntii hubka; waxaan ku dadaalaynaa inaan ciidamadeenna qalabeyno oo aan tayeyno si ay ula wareegaan ammaanka dalka oo dhan, balse weli ma gaarin heer aan kaga maaranno ciidammada Uganda iyo kuwa kale ee AMISOM.”

Madaxweynaha Uganda oo isaguna goobta ka hadlay ayaa uga mahadceliyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa booqashada ay ku tageen dalka Uganda, isagoo sheegay in dowladdiisu ay garab-taagan tahay tan iyo inta ay ciidamada xoogga Soomaaliyeed si buuxda ula wareegayaan ammaanka guud ee dalka.

"Waa lagama maarmaan in la sugo amniga goobaha muhiimka ah iyo dalka oo dhan; si loo illaaliyo xaquuqda dadka Soomaaliyeed," ayuu yiri Museveni ku yiri hadal uu u jeediyay wafdiga ra’iisul wasaaraha oo ay ku jiraan xubno wasiirro ah.

Kulankii Jaaliyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha:

Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa sidoo kale xalay kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda, isagoo ku boorriyay inay qayb ka qaatana dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid casho ah ayaa waxaa ugu horreyn ka hadashay, Aamina Axmed Warsame oo uga mahadcelisay ra'iisul wasaaraha socdaalka uu ku yimid Uganda iyo fursadda qaaliga ah ee uu siiyay jaaliyadda Uganda ku nool, kuna boorriyay in la taageero dawladda Soomaaliya.

"Anigu dowladihii hore mucaarad baan ku ahaa, maxaa yeelay dalka dibaddiisa ayaa lagu soo dhisayay, balse dawladdan waxaan ku taageerayaa dalka gudihiisa ayaa lagu dhisay innaga ayaana gacmaheena ku dhisanay," ayay tiri Aaamina oo xustay in sababta labaad ee ay ku taageertay ay tahay in ra'iisul wasaare Saacid uu noqday ra'iisul wasaarihii ugu horreeyey ee booqashadiisa ka billaaba gobollada dalka, una kuur-galay xaaladda ay ku nool yihiin bulshada gobolladaas deggen.

Ra'iisal wasaare Saacid oo goobta ka hadlay ayaa warbixin dheer ka siiyay jaaliyadda dadaallada dowladda ee ku aaddan xasilinta iyo nabad kusoo celinta dalka, wuxuuna si gaar ah uga warbixiyay safarradii uu ku tagay gobollada dhexe iyo kuwa kuufureed, isagoo xusay in xukuumaddu ay muhiimadda koowaad siisay dhegeysiga talada shacabka.

"Runtii dadka Soomaaliyeed iyaga ayaa gacantooda ku burburiyay dalkooda, iyaga ayaana laga doonayaa inay gacantooda ku dhistaan mar kale," ayuu ra'iisul wasaaraha saacid ku billaabay hadalkiisa, isagoo ka dalbaday dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibadda dalka ay dib ugu laabtaan Soomaaliya si ay qayb uga qaataan dib u dhiska dalka.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale yiri: “Magaalada Muqdisho waa nabad maanta, waxaana yimaada maalin walba sideed duullimaad oo diyaarado ah, kuwaasoo sida dad dalka dib ugu soo laabanaya. Haddaba waxaan caawa ka codsanayaa reer Uganda inay ka mid noqdaan Soomaalida dalkooda dib ugu laabanaysa si ay uga qaybqaatan dib u dhiskiisa.”

Ugu dambeyn, ra'iisul wasaaraha ayaa u mahadceliyay dadkii soo qaban-qaabiyay xafladda uu kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed, gaar ahaana howl-wadeenada safaaradda Soomaaliyeed ee Uganda, sida safiir, Qunsulka iyo xoghaha koowaad, wuxuuna dhanka kale u mahad-celiyay maamulaha Laburnam Court LTD, Marwo Aamina isagoo ku ammaanay horumarka ay ka sameysay dhanka ganacsiga.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya