4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 8 , 2012
Sheekh Fu'aad Shangole oo sheegay in Ciidamada AMISOM ay yihiin kuwo u adeegaya dalalka Yurub iyo Mareykanka
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Madaxa dacwada ee Al-shabaab, Sheekh Fu'aad Maxamed Shangole ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay yihiin kuwo u adeegaya dalalka reer galbeedka si loo baabi'iyo ku dhaqanka diinta Islaamka ee ka hirgalay Soomaaliya.

Sheekh Fu'aad ayaa hadalkan ka sheegay masjid ku yaalla degmada Diinsoor ee gobolka Bay oo uu shalay salaaddii Jimcaha kaddib kula hadlayay boqolaal qof oo ku tukaday, isagoo sheegay in qorshaha dagaal ee Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan diin.

"Ciidamada AMSIOM ee ka socda dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti iyo Sierra Leone waa kuwo u adeegaya reer galbeedka, si diinta Islaamka loo buburiyo," ayuu yiri Sheekh Fu'aad Shongole oo sidoo kale sheegay in ciidamada Itoobiya ay iyaguna dalka u joogaan dagaalka lagula jiro Islaamka.

"Xogaha haynno waxay sheegayaan in ciidammo ka socda waddamada Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska ay ku sugan yihiin Soomaaliya kuwaasoo ah jaajuusiin col la ah diinta islaamka, mana tagayaan illaa ujeeddooyinkooda ay hirgeliyaan," ayuu Sheekh Fu'aad ku sheegay khudbadiisa.

Dhanka kale, mas'uulkan Al-shabaab ka tirsan wuxuu sheegay in reer galbeedka oo uu horkacayo Mareykanka ay kusoo duuleen Soomaaliya sannadkii 1993-kii, waana laga adkaaday markii laga hortagay, marka ciidamada hadda ku sugan Soomaaliya waa laga adkaan karaa.

Xarakada Al-shabaab ayaa tan iyo sannadkan waxay ka baxayeen dhul ballaaran oo ay sannado ka talinayeen, kaddib markii jihooyin badan ay kaga furmeen dagaallo, iyadoo mas'uuliyiintooda ay tan iyo xilligaas ku guubaabinayeen shacabka inay qayb ka qaataan dagaallada.

Sheekh Fu'aad Shangole ayaa wuxuu ka mid yahay saraakiil Al-shabaab ka tirsan oo uu Mareykanku dul-dhigay malaayiin dollar oo madaxfurasho ah, iyadoo hadalkan uu ka jeediyay degmada Diinsoor uu noqonayo kii labaad oo uu jeediyo tan iyo markii madax-furashada lacageed la dul-dhigay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya