4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 8 , 2012
Baaritaanno lagu qabtay boqolaal dhallinyaro ah oo maanta mar kale laga sameeyay Degmada Xamar-jajab ee Magaalada Muqdisho
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Booliiska dowladda Soomaaliya iyo booliiska AMISOM ayaa maanta mar kale ka sameeyay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir howlgallo lagu soo qabqabtay in ka 166-qof, kuwaasoo dhammaantood ahaa dhallinyaro.

Taliyaha booliiska bartamaha Xamar, Col. Garaad Nuur Cabdulle oo saxaafadda la hadlay markii ay howlgallada lasoo gabgabeeyay ayaa sheegay in howgalladan ay ahaayeen kuwo lagu sugayay ammaanka.

"Howgallo xalay illaa saakay laga samenayay degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo qabqabtay 166-qof, baaritaanno lagu sameeyay kaddib waxaa kasoo dhex-baxay 22-qof oo looga shakisan yahay inay Al-shabaab xiriir la leeyihiin, 114-kii qof ee kalena waa lasii daayay," ayuu yiri Col. Garaad.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in bartilmaameedyo gaar ah ay beegsanayeen oo inta badan dadka ay kasoo qabqabteen, isagoo sheegay inaysan arag wax hub ah oo laug haysto degmada.

Maalintii khamiista ahayd ee lasoo dhaafay ayaa baaritaanno boqolaal dhallinyaro ah lagu soo qabqabtay laga sameeyay isla degmada Xamar-jajab oo aad ugu dhow madaxtooyada Soomaaliya iyo xarunta golaha shacabka oo ay ka socdaan kulamo ay murashaxiinta madaxweynaha kusoo bandhigayaan barnaamijyadooda siyaasadeed.

Ugu dambeyn, maamulka degmada Xamarjajab ayaa ka dalbaday shacabka ku nool degmadaas inay gacan ka siiyaan sidii ammaanka loo adkeyn lahaa, waxayna howlgalladan kusoo beegmayaa xilli la isku diyaarinayo doorashada madaxnimo ee dalka oo dhici doona Isniinta soo socota.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya