Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Iska-horimaad socday saacado ayaa xalay deegaanka Miido oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.
Iskahorimaadkan ayaa yimid kadib markii dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada huwanta ah ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana labada dhinac dhexmaray dagaal socday kudhowaad laba saacadood oo xiriir ah.
Mid kamid ah dadka ku dhaqan degmada Afmadow oo ka gaabsaday magaciisa ayaa HOL u sheegay in labada dhinac ay isu adeegsanayeen madaafiic iyo hub cu-lculus, wuxuuna intaa ku daray in daryanka rasaasta ay labada dhinac isku ridayeen laga maqlayay magaalada Afmadow.
Illaa imika lama garanayo khasaaraha kala gaaray labada dhinac, mana jiraan masuuliyiin katirsan dhinacyadii dagaalamay oo faahfaahin ka bixiyay.
Xaaladda ayaa lagu soo waramayaa in ay saaka tahay mid dagan, walow mararka qaar ay labada dhinac isweeydaarsanayaan madaafiic, waxaana labada ciidan ay weli isku horfadhiyaan goobihii ay xalay ku dagaalameen.
Gobolka jubada hoose ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxa ka holcayay colaado u dhexeeya ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo militariga Kenya oo iskaashanaya iyo Xarakada Al-shabaab, waxayan colaadahaasi saameyeen dhaqdhaqaaqii guud ee bulshada ku dhaqan Jubooyinka.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Iska-horimaad Deegaanka Miido ee Gobolka Jubbada Hoose ku dhexmaray Ciidamada Soomaaliya, kuwa Kenya iyo Al-shabaab
More News
- Xaflad lagu soo dhaweynayay doorashada guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo murashaxnimada Shiikh Shariif oo Sweden lagu qabtay
- Soomaaliya oo isu diyaarinaysa doorashadii ugu horreysay oo dalka ka dhacda mudo 43-sanood ah kaddib
- Xukuumadda Itoobiya oo sheegtay inay Wadahadallo nabadeed la yeelatay Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF
- Maamulka Puntland oo ka digtay in la Musuqmaasuqo Doorashada Madaxweyenimo ee Soomaaliya
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo kasoo horjeestay Maamul Goboleed ay Ahlusunna Wal- jameeca sheetay inay dhisayso
- Baaritaanno lagu qabtay boqolaal dhallinyaro ah oo maanta mar kale laga sameeyay Degmada Xamar-jajab ee Magaalada Muqdisho
- Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika oo Maanta la wareegay gacan ku haynta Degmada Warsheekh
- Guddoomiyihii Majmaca Culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow oo xalay ku geeriyooday Muqdisho
- Sheekh Fu'aad Shangole oo sheegay in Ciidamada AMISOM ay yihiin kuwo u adeegaya dalalka Yurub iyo Mareykanka
- Booliiska Kenya oo sheegay inay Waxyaabaha Qarxa iyo Qalabkii lagu qarxinayay ka heleen Guri ku yaalla Magaalada Nairobi
- Murashaxiin kale oo Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ka horjeedin doona Barnaamijyadooda Siyaasadeed