4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 8 , 2012
Maamulka Puntland oo ka digtay in la Musuqmaasuqo Doorashada Madaxweyenimo ee Soomaaliya
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maanta oo Sabti ah ku sheegay inay ka digayaan in la musuqmaasuq doorashada madaxweynenimo ee dalka oo dhacaysa toddobaadkan, waxayna ku hanjabeen haddii la musuqmaasuqo inay qaadan doonaan go'aan iyaga u gaar ah.

Puntland ayaa warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay inay si xooggan uga digayso inay sii socdaan muqmuqaasuqyadii horay lasoo arkay iyo in la carqaladeeyo doorashada ka dhacaysa Muqdisho maalmaha soo socda.

"Waxaan kaalin buuxda ku lahayn heshiiskii Roadmap ee Soomaaliya looga saarayay xilliga KMG ah, waana soo dhaweynaynaa in Soomaaliya ay ka baxdo KMG-nimada, balse ma ogolaanayno in doorashada la lunsado," ayay Puntland ku sheegay warka ay soo saartay.

Maamulka Puntland wuxuu ka mid yahay maamullada ka jira Soomaaliya, waxaase ka jirtay 15-kii sano ee ugu dambeeyay dowlad-goboleed iyo degenaasho, inkastoo ay dhowr jeer isku qabteen madaxda Puntland iyo kuwa dowladda Soomaaliya sida loo maamulayo deeqaha dalka soo gala iyo daqliga gudaha dalka kasoo xarooda.

"Doorashadii guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka federaalka, Maxamed Cismaan Jawaari waan soo dhaweynay, balse waxaan ku dhiirigelinaynaa inuu dhowr shuruucda iyo habka shaqo ee baarlamaanka iyo dastuurka federaalka ah," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Puntland.

Sidoo kale, Puntland waxay ugu baaqday xildhibaannada cuusb ee baarlamaanka Soomaaliya inay doortaan hoggaamiyeyaashii hore loo tijaabiyay ee ku guul-darreystay howlihii loo idmaday, balse loo baahan yahay in la doorto hoggaamiye daacad ah oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku hoggaamin kara jidka wanaagsan.

"Haddii lagu soo doorto hoggaamiyeyaashii guuldarreystay si aan cadaalad ahayn, Puntland waxay qaadanaysaa go'aan ay aayaheeda uga tashanayso, si waafaqsan dastuurka u yaalla," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay Puntland soo saartay.

Puntland kuma aysan sheegin warsaxaafadeedkeeda cidda ay ula jeeddo hoggaamiyeyaasha guuldareystay, sidoo kale, Puntland ma aysan sheegin go'aanka ay qaadnayso nooca uu noqon doono haddii lasoo doorto  hoggaamiyeyaasha ay dhaliilsan tahay ee aanay magacyadooda sheegin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya