4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 8 , 2012
Booliiska Kenya oo sheegay inay Waxyaabaha Qarxa iyo Qalabkii lagu qarxinayay ka heleen Guri ku yaalla Magaalada Nairobi
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa sheegay inay 150 walxo qarxo ah iyo qalabkii lagu qarxinayay ay ka heleen guri ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya shalay oo Jimco ahayd.

Magaalooyinka waaweyn ee Kenya oo ay ku jirto Mombasa oo ah magaalo ay deggen yihiin muslimiinta Kenya ayaa waxaa ka dhacayay qaraxyo tan iyo markii ay Kenya go'aansatay inay ciidamadeeda kasoo tallaabiso soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya bishii Oktoobar ee sannadkii hore.

"Waxaan xaqiijin karaa in qalabkan qarxay laga helay guri. Waa waxyaalo qarxa oo khatar badan keeni kara," ayuu yiri taliye ku xigeenka booliiska Nairobi, Moses Ombatti oo saxaafadda la hadlayay.

Guriga laga helay waxyaabaha qarxa ayaa ku yaalla xaafadda Githurai ee Nairobi oo ah deegaan aad ugu wanaagsan ganacsiga. Waxaana arrintan lagu tilmaamay inay muujinayso kharta ay Kenya ugu jirto falal argagaxiso oo dalkeeda ka dhaca, xilli la isku diyaarinayo doorashooyinka madaxnimo ee dalkaas ka dhacaya sannadka soo socda.

Rabshadihii ka dhacay Mombasa kadib dilkii Cabduud Rogo oo ahaa wadaad si weyn looga yaqaanay Kenya iyo weerarradii bambaano ee lagu qaaday kaniisadaha dalka Kenya ayaa waxay sare u qaadeen cabsida laga qabo inay rabashado ka dhacaan dalka inta lagu jiro doorashooyinka madaxnimo oo oo dhici doona bisha Maarso ee 2013.

Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa waxay horay u sheegeen inay qaraxyo waaweyn ka geysan doonaan dalka Kenya, taasoo jawaab u ah bay yiraahdeen faragelinta ciidan ee Kenya ay ku sameysay Soomaaliya iyo dagaallada ay ka waddo gobollada Koonfureed ee dalka.

Doorashooyinkii madaxnimo ee Kenya ka dhacay bishii December ee sannadkii 2007 ayaa waxay dhaliyeen rabshado dhexmaray beelaha dalkaas, kuwaasoo salfaday in ka badan 12,00 oo qof.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya