4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 8 , 2012
Murashaxiin kale oo Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ka horjeedin doona Barnaamijyadooda Siyaasadeed
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Maanta ayaa lagu wadaa inay 15-kii murashax ee haray ay barnaamijkooda siyaasadeed ka horjeediyaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo shalay ay 10-murashax barnaamijkooda jeediyeen.

Xildhibaannada baarlamaanka iyo murashaxiinta hadallada jeedinaya oo ay ka mid yihiin Dr. C/raxmaan Macallin Baadiyoow, Maslax Maxamed Siyaad, Zakariye Max'ud Xaaji Cabdi, Sheekh Maxamed Yaasiin Ismaaciil iyo Yuusuf Garaad Cumar ayaa ku sugan xarunta baarlamaanka Soomaaliya ee Muqdisho.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in murashaxiintan haray uu mid walba ku jeedin doono barnaamijkiisa siyaasadeed muddo 20-daqiiqadood ah, iyadoo lagu wado in maanta gallinka dambe lasoo gabagabeeyo jeedinta khudbooyinka.

Murashaxiintii shalay khudbooyinkooda jeediyay oo ay ka mid ahaayeen, Shariif Sh. Axmed, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, C/weli Maxamed Gaas, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, C/llaahi Axmed Caddoow iyo Salaad Cali Jeelle ayaa waxay khudbooyinkii ay jeediyeen ku sheegeen inay ka shaqeyn doonaan horumarka guud ee dalka.

Ergayga aadka u soo jiirtay xildhibaannada ayaa wuxuu ahaa in mushaaraadkooda ay noqon doonaan kuwo joogto ah, waxaana murashaxiinta qaarkood ay eraygan u adeegsanayeen sidii ay codadka uga heli lahaayeen xidlhibaannada, maadaama ay tahay xilli ay xidlhibaannada uga baahan yihiin cod ay ku qabtaan talada dalka.

Qaar ka mid ah murashaxiintii khudbooyinka jeediyay ayaa si toos ah uga dalbaday xildhibaannada inay codkooda siiyaan, halka kuwa kalena ay sheegayaan in haddii la doorto ay wax badan ka bedeli doonaan xaalka uu dalka u ku sugan yahay.

Isniinta soo socota oo bishan ay ku beegan tahay 10 ayaa lagu wadaa in la qabto doorashada Maalinta berri ah ayaa waxay noqon doontaa maalin nashasho, iyadoo lagu wado in maalinta berri ah ay noqoto maalin nasasho oo doorashada la isku diyaariyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya