12/10/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 27, 2012
Hay'adda Nabadsugidda Gobolka Banaadir oo soo bandhigay dad fara badan oo lagu soo Qabtay Howgallo laga Sameeyay Muqdisho
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Hay'adda nabadsugidda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay 80 qof oo dhallinyaro ah, kuwaasoo lagu soo qabqabtay howgallo laga sameeyay degmooyinka Muqdisho 24-kii saac ee ugu dambeeyay.

Taliyaha ciidamada nabadsugidda gobolka Banaadir ayaa sheegay in baaritaano ay ku sameeyeen dhallinyarada ay 30 ka mid ah ku waayeen dambiyadii loo haystay, halka inta kalena ay weli ku wadaan baaritaanno, wuxuuna u digay milkiilayaasha iska leh guryaha ku yaalla Muqdisho.

"Howgallo 24-kii saac ee ugu dambeeyay aan ka sameynay Muqdisho ayaa waxaa lagu soo qabqabtay 80 qof, waxaana ku jira kuwo qirtay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, ayna lug ku lahaayeen falalkii ammaan-darro ee dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacayay Muqdisho," ayuu yiri Col. Khaliif Axmed Ereg oo shir jaraa'id qabtay maanta.

Sidoo kale, Col. Ereg wuxuu sheegay in howgalladu ay socon doonaan inta laga xaqiijinayo ammaanka guud ee caasimadda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in cid walba oo ay qabtaan ay marin doonaan baaritaanno, ciddii uu shaki weyn ka galana ay u gudbinayaan maxkamadaha dalka.

Dhanka kale, taliyuhu wuxuu sheegay in gurigii laga helo hub ama laga soo qabto qof ka tirsan Al-shabaab ay dowladdu la wareegi doonto, isagoo xusay in milkiilayaasha iska leh guryaha ku yaalla Muqdisho looga baahan yahay inaysan cid walba guryahooda ka kireyn, ayna sharciga maraan marka ay guryaha kireynayaan.

"Milkiilayaasha guryaha waxaan ugu baaqaynaa inay saldhigyada iyo degmooyinka geeyaan dadka ay guryaha ka kireynayaan, haddii kale waxaa dhacaysa in haddii laga helo guryahooda hub ama xubno ka tirsan Al-shabaab, waxaa gurigaas si toos ah ula wareegaysa dowladda," ayuu yiri taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir.

Howgalladan dadka badan lagu soo qabqabtay ayaa waxay imaanayaa xilli ay ay ka dhacayeen Muqdisho toddobaadyadii ugu dambeeyay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay naftooda ku waayeen dad ku dhow 50-qof oo ay ku jireen suxufiyiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
9/27/2012 9:26 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo ay ku jirto haweeney ka ganacsata caanaha ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhashay bam gacmeed lagu weeraray gaari ay wateen ciidamada dowladda Soomaaliya oo marayay isgoyska KM-4 ee Muqdisho oo ah mid aad u mashquul badan.

9/27/2012 9:04 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Somaliland marwo: Samsam Cabdi Aadan, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijadii imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyadda sare iyo kuwa dhexe/hoose.

9/27/2012 8:59 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo taleefoonka la iska arko uga qaybgalay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo xalay ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan afarta sano ee soo socota sugidda ammaanka iyo dib u dhiska dalka.

9/27/2012 8:00 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Afrikaa ee dhawaan gaaray magaalada Baladweyne, Col. Cismaan Dubad ayaa baaq u dirray dhalinyarrada ka tirsan Xarrakada Al-shabaab.

9/27/2012 7:55 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in laba mid ah saraakiishii ururka Xisbul Islaam la qabtay shalay xilli ay ka dhoofayeen garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo, inkastoo wadahadallo dheer kaddib lasii daayay maanta.

9/27/2012 3:56 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay wadaa qorsheyaal la doonayo in lagu xaqiijiyo amniga magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

9/27/2012 3:53 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa ammaanay horumarka dhinaca dimuqraadiyadda ah ee ay ku tallaabsatay Soomaaliya, isagoo beesha caalamka ugu yeeray inay sii wadaan gargaarkii ay siin jireen Soomaaliya.

9/27/2012 3:24 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Taliyaha booliiska gobolka Bay, Col. Mahad C/raxmaan ayaa saxaafadda u sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyay ay maxkamadda ciidamada qalabsida faraceeda Baydhab ay ku ridday xukunno kala duwan.

9/27/2012 3:13 AM EST
Khamiis, September 27, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa maanta hortagay guddi hoosaadka Arrimaha gudaha iyo nabadgalyadda golaha Wakiiladda, kuwaas oo wax ka waydiiyey xaaladda amniga ee dalka, cafiskii uu u fidiyey dhalinyaradda Al-shabaab iyo inuu ka tirsan yahay ururka islaamiga ah ee Islaax.