4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2012
Fannaanka Super Khaalid iyo Bashiir Mursal Ciise oo Xaafuun lagu xiray

Fannaanka Khaalid Abuukar Cadaani (Super Khaalid) iyo Bashiir Mursal Ciise
Arbaco, September 19, 2012(HOL):Waxaa magaalada Xaafuun ee dalka Gobolka Bari lagu xiray Fannaanka Khaalid Abuukar Cadaani (Super Khaalid) iyo Bashiir Mursal Ciise oo la dhashay Fannaanadda Maryan Mursal Ciise, iyagoo haatanna ku jira xabsi ku yaallada degmadaas.

 

Abuukar Aadan Deeqow (Boss Caato) oo Super Khaalid iyo Bashiir Mursal Ciise saaxibo yihiin, isla markaana qadka taleefoonka kula hadlay ayaa HOL u xaqiijiyay in ay raggaas la xiray, isla markaana aysan heysan wax xorriyad ah, haseyeeshee uu rajeynayo in ay xoriyaddooda dib u heli doonaan.

 

“Labaduba waxay deegaanka xaafuun u tageen arrimo dalxiis la xiriira, waxaana la qabtay iyagoo sawirro isaga qaadaya deegaannada bilicsan ee degmadaas ku yaalla”ayuu yiri Boss Caato oo sheegay in ay Super Khaalid iyo Bashiir Ciise ay cuntada ka soomeen, iyagoo ka gadoodsan xorriyadda laga qaaday.

 

Abuukar Aadan Deeqow (Boss Caato) ayaa wuxuu si xushmad leh uga codsaday maamulka Puntland in labadaas maxbuus xorriyadooda loo soo celiyo, isla markaana la sii daayo maadaama sida uu yiri aysan wax dembi ah gelin, isla markaana aysan wax siyaasad ah lug ku lahayn.

 

Fannaanka Super Khaalid iyo Bashiir Mursal Ciise ayaa waxay yihiin labo ruux oo si weyn loo yaqaano, waxaana xariggooda si weyn uga xumaaday ehelladooda iyo asxaabtooda, kuwaasi oo qudhooda codsanaya in la soo daayo labada ruux.

 

Fannaanka Khaalid Abuukar Cadaani (Super Khaalid) iyo Bashiiir Mursal Ciise ayaa waxay labaduba caan ku yihiin u ololeynta dadka dhibaateysan, gaar ahaan markii ugu dambeysay waxay gacan-ka-geysteen abaarihii Soomaaliya ka dhacay iyo weliba dadkii ku dhaawacmay qaraxii Tiyaatarka, gaar ahaan Abwaanka Axmadey Cabdi Gaashaan oo uu dhaawac culus soo gaaray.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]