Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa saaka ku waabariistay ciidamo aad u tiro badan iyo gaadiidka nooca dagaalka oo soo oo gaafwareegaya wadooyinka magaalada, waxaana sidoo kale magaalada soo gaaray masuuliyiin sar sare oo katirsan xarakada Al-shabaab.
Goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo ayaa HOL u sheegay in saaka gudaha magaalada lagu arkayo ciidamo aad u tiro badan iyo gaadiid nooca dagaalka, waxaana sidoo kale uu sheegay in idaacaddii Andalus ee magaalada Kismaayo dib loo soo celiyay islamarkaasina ay maanta hawada ku jirto.
Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage oo idaacadda kala hadlay shacabka ku dhaqan Kismaayo ayaa sheegay in ay iska difaaci doonaan duulaanka kusoo fool leh Kismaayo wuxuuna intaa ku daray in qabsashada magaalada Kismaayo ay ka horeyn doonto dhiig badan oo daata.
Xoogagga Al-shabaab oo markii hore magaalada kala baxday ciidamadooda ayaa haatan dib ugu soo laabtay, waxaana wararku ay sheegayaan in ciidamada badankooda ay u dhaqaaqeen dhanka deegaanka Birta dheer oo ay isku horfadhiyaan ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab.
Deegaanka birta dheer oo maalmihii ugu danbeeyay ay ka taagnaayeen dagaallo ba’an oo u dhexeeyay Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay maanta tahay mid xasiloon, waxaase xilli walba suurogal ah dagaal halkaasi ka qarxa maadaama labada ciidan ay ishorfadhiyaan.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Ciidammo ka tirsan Al-shabaab oo buux-dhaafiyay Magaalada Kismaayo iyo Idaacaddii Andalus oo dib hawada u soo gashay
More News
- Fannaanka Super Khaalid iyo Bashiir Mursal Ciise oo Xaafuun lagu xiray
- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo sheegay inay si dhow ula shaqeynayaan Hay'adaha Xukuumadda Soomaaliya
- Tartan kubada cagta ah oo lagu maamuusayo Alle ha u naxariisteen Inj. Cali Xaaji Shirwac oo ka furmay Magalada Gaalkacyo
- Qunsulkii Safaaradda Soomaaliya ee Wadanka Kenya oo lagu Aasay Magaalada Nairobi kaddib markii uu xalay geeriyooday
- Cuqaal iyo waxgarad ku shiray Boosaaso oo ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo xeerka doorashooyinka Puntland
- Qurbo-joogta Beesha Xawaale oo ku tilmaamay gef hadalkii laga sheegay Ugaaska Xawaadle Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif
- Mas'uuliyiin iyo Waxgarad ku howlan sidii lagu joojin lahaa Colaad u dhaxeysa beelo ku wada nool Gobolka Galguduud
- Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia iyo Murashaxiintii xilka kula Tartamay
- Afhayeenka Xarakada Al-shabaab oo sheegay in Qabshada Magaalada Kismaayo uu ka horreeyo dhiig fara badan oo daata
- Kooxo hubeysan oo degmada Afgooye ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda iyo Qaraxyo saakay ka dhacay
- Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo beeniyay in Weeraradii Ismiidaaminta ahaa ee Muqdsiho uu ku eedeeyay Shariif Sheekh Axmed