4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2012
Qunsulkii Safaaradda Soomaaliya ee Wadanka Kenya oo lagu Aasay Magaalada Nairobi kaddib markii uu xalay geeriyooday

Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Qunsulkii safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, Maxamed Cismaan Adan (Edson) ayaa maanta lagu aasay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaddib markii uu xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi.

Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Kenya, danjire Maxamed Cali Nuur Ameerika ayaa saxaafadda u xaqiijiyay geerida qusulka iyo aaskiisa, isagoo sheegay inuu maalmihii ugu dambeeyay uu xanuun awgiis ugu jiray isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

"Qusulka wuxuu aad uga shaqeyn jiray dadka Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada dalka Kenya, gaar ahaan kuwa lagu soo eedeeyo inay yihiin burcadbadeed, runtiina wuxuu ahaa mas'uul dadaal badan," ayuu yiri dajire Ameerika.

Danjire Ameerika wuxuu sheegay in qunsulka uu ka mid ahaa xubnihii sida weyn uga shaqeeyay in dhismaha safaaradda Soomaaliya ee Kenya dib loosoo celiyo, isagoo sheegay inuu ka mid ahaa makhaatiyadii la dooday ninkii iibsaday safaaradda.

Maydka marxuumka ayaa waxaa salaaddii janaasada ahayd lagula tukaday majidka Al-nuur ee xaafadda Islii, iyadoo lagu aasay isla maanta qubuuro Langata oo ku dhow dhow garoonka diyaaradaha Wilson ee magaalada Nairobi.

Aaska marxuumka ayaa waxaa ka qayb-galay mas'uuliyiin iyo dadweyne fara badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo qaarkood ay aad isku yaqaanneen, waxaana sidoo ka qaybgalay aaskiisa shacabka iyo mas'uuliyiin Kenyan ah.

Mas'uuliyiin fara badan oo Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya muddo hadda laga joogo 21-sano.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya