Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada xildhibaannada baarlamanka federalka Soomaaliya iyo murashaxiintii xilka madaxweynenimo kula tartamay.
Kulankan ayuu madaxweynuhu ugu mahad-celiyay xildhibaannada baarlamaanka, gaar ahaan kaalintii ay ka qaateen doorashooyinkii madaxtinimada dalka, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa guddoonka sare ee baarlamaanka oo uu ugu horreeyo afhayeenka baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
"Xildhibaannadu waxay diyaar u yihiin shaqo-wanaag iyo inay dalka u horseedaan isticmaalka awoodaha sharciga oo aan xad-gudub lahayn, waxaan sidoo kale diyaar u nahay inaan wadashaqeyn buuxda iyo xasillooni siyaasadeed abuurno, si afarta sano ee soo socota aan dalka ugu wareejinno gacanta mas’uuliyiin ay shacabku soo doorteen, waana mid naga go'an inaan arrintaas ka dhabeyno,’’ ayuu yiri Jawaari.
Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay yeeshaan xubnaha baarlamaanka iyo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo xilkan loo doortay 10-kii bishan, lana caleemo saaray isla 16-kii bishan.
"Waxaan doonayaa inaan caawa baarlamaanka ugu hamblayeeyo waxqabadkoodii wanagsanaa iyo dulqaadka ay muujiyeen intii doorashooyinku socdeen, waxaana leeyahay mudanayaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin dadaalkiinii; mirihiisiina waa lahayaa," ayuu madaxweynuhu ku yiri mudanayaashii uu la kulmay.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Sidoo kale u mahadcelinayaa walaalaheygii tartanka igala qaybgalay oo iyaguna si weyn iigu hambalyeeyay isla markaana ii ballan-qaaday inay ila shaqeyn doonaan; iyagoo aan wax gooni ah iga rabin,.’
Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in mudnaanta koowaad uu siin doono sugidda ammaanka, iyadoo ay ku dhinac socoto dhismaha dowladda oo hadda uu ku howlan yahay wadatashi ku aadan sidii uu u soo magaacaabi lahaa ra'iisul wasaare cusub oo soo dhisa dowlad tayo leh oo shacabka u horseedda horumar iyo barwaaqo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia iyo Murashaxiintii xilka kula Tartamay
More News
- Fannaanka Super Khaalid iyo Bashiir Mursal Ciise oo Xaafuun lagu xiray
- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo sheegay inay si dhow ula shaqeynayaan Hay'adaha Xukuumadda Soomaaliya
- Tartan kubada cagta ah oo lagu maamuusayo Alle ha u naxariisteen Inj. Cali Xaaji Shirwac oo ka furmay Magalada Gaalkacyo
- Qunsulkii Safaaradda Soomaaliya ee Wadanka Kenya oo lagu Aasay Magaalada Nairobi kaddib markii uu xalay geeriyooday
- Cuqaal iyo waxgarad ku shiray Boosaaso oo ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo xeerka doorashooyinka Puntland
- Qurbo-joogta Beesha Xawaale oo ku tilmaamay gef hadalkii laga sheegay Ugaaska Xawaadle Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif
- Ciidammo ka tirsan Al-shabaab oo buux-dhaafiyay Magaalada Kismaayo iyo Idaacaddii Andalus oo dib hawada u soo gashay
- Mas'uuliyiin iyo Waxgarad ku howlan sidii lagu joojin lahaa Colaad u dhaxeysa beelo ku wada nool Gobolka Galguduud
- Afhayeenka Xarakada Al-shabaab oo sheegay in Qabshada Magaalada Kismaayo uu ka horreeyo dhiig fara badan oo daata
- Kooxo hubeysan oo degmada Afgooye ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda iyo Qaraxyo saakay ka dhacay
- Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo beeniyay in Weeraradii Ismiidaaminta ahaa ee Muqdsiho uu ku eedeeyay Shariif Sheekh Axmed