4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2012
Qurbo-joogta Beesha Xawaale oo ku tilmaamay gef hadalkii laga sheegay Ugaaska Xawaadle Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Qurbo-joogta beesha Xawaadle ayaa gef ku tilmaamay hadallo ay warbaahinta siiyeen shaqsiyaad beesha ka tirsan, kuwaasoo eedeyn ugu soo jeediyeen Ugaaska beesha, Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Warbixinno ay soo saareen qurbo-joogta Xawaadle ayaa waxay ku sheegeen inay aad uga soo horjeedaan hadalkaas uuna yahay mid gef ku ah ugaaska beesha oo ku yimid talo beesha ay u dhan tahay, cid ka qaadi karta xilkana aysan jirin, waxa lagu eedeynayana ay yihiin waxyaabo been ah oo la sameeyay.

Ugaaska Beesha Xawaadle ayaan isagu weli ka hadlin eedeymaha loosoo jeediyay, kuwaasoo ah inuu si aan xaq ahayn u xulay xildhibaannada beesha ugu jira golaha shacabka, waxayna xubnahana sheegeen in qorshahoodu uu yahay inay xilka ka qaadaan ugaaska.

Qubo-joogta waxay sheegeen in ugaaska beesha uu ku yimid talo loo dhan yahay oo aysan jirin cid si gaar ah xilka uga qaadi karta, iyagoo xilka uu hayo ku sheegay mid soo jireen ah oo uu ka dhaxlay waalidiintiis.

Muranka noocan oo kale ah ayaa horay u dhexmaray beelaha Soomaaliyda, kuwaas oo ku eedeeyay ugaasyadooda inay si aan cadaalad ahayn u xuleen xildhibaannada beelahooda ugu jira baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya