Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Galguduud, odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobollka ayaa siweyn ugu howlan joojinta colaad u dhaxeeya labo beelood oo wada-dega gobolkaas.
Wararka ka soo baxaya deegaanadii lagu diriray ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ay halkaa gaareen mas’uuliyiina ka tirsan maamulka gobollka iyo odayaasha deegaannka, si loo baajiyo ama loo joojiyo dagaal danbe oo dhiig ku daata kana dhaca goobihii lagu dirray.
Mas’uuliyiinta sida weyn ugu howlan dadaalka la doonayo in lagu dhax-dhaaxdiyo labada beellood ayaa waxaa horakacay guddoomiyaha gobollka Axmed Yuusuf Xassan Ciyow, waxaana ilaa iyo hadda la sheegay in ay ku guuleysteen kala qaadista maleeshiyaadkii dagaallamay.
Colaada u dhaxeysa labada beellood ee dhawaan dirirtu ku dhaxmartay deegaanno tirsan gobollka Galguduud ayaa marar badan soo noq noqtay, waxaadna moodaa in markan mas’uuliyiinta gobollka iyo odayaashu xoogga saarayaan sidii gabi ahaanba loo soo afjari lahaa khilaafka u dhaxeeya labada dhinac.
Inta badan bartamaha dalka Soomaaliya gaar ahaan gobollada Galguduud iyo Mudug waxaa ka dhaca dagaallada u dhaxeeya beelaha kaasoo ka soo bilaawda muran dhaxmara reer miyiga oo isku qabta wadaag dhulka daaqsinka iyo biyaha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya
Mas'uuliyiin iyo Waxgarad ku howlan sidii lagu joojin lahaa Colaad u dhaxeysa beelo ku wada nool Gobolka Galguduud
More News
- Fannaanka Super Khaalid iyo Bashiir Mursal Ciise oo Xaafuun lagu xiray
- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo sheegay inay si dhow ula shaqeynayaan Hay'adaha Xukuumadda Soomaaliya
- Tartan kubada cagta ah oo lagu maamuusayo Alle ha u naxariisteen Inj. Cali Xaaji Shirwac oo ka furmay Magalada Gaalkacyo
- Qunsulkii Safaaradda Soomaaliya ee Wadanka Kenya oo lagu Aasay Magaalada Nairobi kaddib markii uu xalay geeriyooday
- Cuqaal iyo waxgarad ku shiray Boosaaso oo ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo xeerka doorashooyinka Puntland
- Qurbo-joogta Beesha Xawaale oo ku tilmaamay gef hadalkii laga sheegay Ugaaska Xawaadle Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif
- Ciidammo ka tirsan Al-shabaab oo buux-dhaafiyay Magaalada Kismaayo iyo Idaacaddii Andalus oo dib hawada u soo gashay
- Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia iyo Murashaxiintii xilka kula Tartamay
- Afhayeenka Xarakada Al-shabaab oo sheegay in Qabshada Magaalada Kismaayo uu ka horreeyo dhiig fara badan oo daata
- Kooxo hubeysan oo degmada Afgooye ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda iyo Qaraxyo saakay ka dhacay
- Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo beeniyay in Weeraradii Ismiidaaminta ahaa ee Muqdsiho uu ku eedeeyay Shariif Sheekh Axmed