Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in ka bixitaanka magaalada Kismaayo uu ka horreeyo dhiig badan oo daata, xilli ay ka jirto magaaladaas cabsi weyn dadkuna ay ka barakacayaan.
Sheekh Cali Dheere, ayaa sheegay inay xoogaggoodu weli ku sugan yihiin gudaha magaalada Kismaayo, wuxuuna warbaahinta caalamka ku eedeeyay inay baahiyeen warar been ah oo aanay waxba ka jirin, iyaguna aysan ka bixin Kismaayo, ayna difaaci doonaan.
"Mujaahidiintu waxay ku taagan yihiin ballantii lagu wada-galay difaaca shareecada Islaamka iyo sharafka muslimiinta ku nool dagaannada Jubbooyinka," ayuu Sheekh Cali Dheere ku sheegay shirkiisa jaraa'id.
Afhyeenku wuxuu beeniyay in xalaad kacsanaan ah ay ka jirto Kismaayo, isagoo ku sheegay xaaladda Kismaayo mid daggan ganacsiguna uu si caadi ah uga socdo, wuxuuna ugu baaqay shacabka Jubbooyinka inay qayb ka hortagga duullaan uu sheegay inay magaaladaas kusoo qaaday dowladda Kenya.
Afartii maalmood ee ugu dambeeyay dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamada Kenya kuwa dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay inta u dhexeysa degmada Afmadow iyo degmada Kismaayo, iyadoo dagaalladaas ay guulo waaweyn ka sheegteen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya.
Goobjoogayaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Al-shabaab ay isaga baxday Kismaayo kuwii dowladda iyo Kenyana aysan gaarin, iyagoo xusay inay ka jirto degmadaas cabsi weyn dadkuna ay barakacayaan.
"Qoysaskii ku noolaa degmada way barakaceen, waayo qof walba cabsi ayaa haysa, ganacsatada intooda badan way barakaceen, xitaa waxaan weynay meel aan caruurta caano uga iibsanno," ayay tiri haweenay barakacaysay oo la hadashay BBC-da.
Magaalada Kismaayo oo 500-km dhinaca Koonfureed ka xigta Muqdisho ayaa waxaa tan iyo sannadkii hore duqeymo duqeynayay diyaarado dagaal iyo maraakiib ku sugan xeebta badweynta Hindiya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Afhayeenka Xarakada Al-shabaab oo sheegay in Qabshada Magaalada Kismaayo uu ka horreeyo dhiig fara badan oo daata
More News
- Fannaanka Super Khaalid iyo Bashiir Mursal Ciise oo Xaafuun lagu xiray
- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo sheegay inay si dhow ula shaqeynayaan Hay'adaha Xukuumadda Soomaaliya
- Tartan kubada cagta ah oo lagu maamuusayo Alle ha u naxariisteen Inj. Cali Xaaji Shirwac oo ka furmay Magalada Gaalkacyo
- Qunsulkii Safaaradda Soomaaliya ee Wadanka Kenya oo lagu Aasay Magaalada Nairobi kaddib markii uu xalay geeriyooday
- Cuqaal iyo waxgarad ku shiray Boosaaso oo ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo xeerka doorashooyinka Puntland
- Qurbo-joogta Beesha Xawaale oo ku tilmaamay gef hadalkii laga sheegay Ugaaska Xawaadle Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif
- Ciidammo ka tirsan Al-shabaab oo buux-dhaafiyay Magaalada Kismaayo iyo Idaacaddii Andalus oo dib hawada u soo gashay
- Mas'uuliyiin iyo Waxgarad ku howlan sidii lagu joojin lahaa Colaad u dhaxeysa beelo ku wada nool Gobolka Galguduud
- Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia iyo Murashaxiintii xilka kula Tartamay
- Kooxo hubeysan oo degmada Afgooye ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda iyo Qaraxyo saakay ka dhacay
- Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo beeniyay in Weeraradii Ismiidaaminta ahaa ee Muqdsiho uu ku eedeeyay Shariif Sheekh Axmed