3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2012
Kooxo hubeysan oo degmada Afgooye ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda iyo Qaraxyo saakay ka dhacay
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ku toogtay mid ka mid ah askarta ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugan, iyadoo saakayna laga maqlay qaraxyo waaweyn.

Goobjoogayaal ku sugn Afgooye oo 30-km dhinaca waqooyi-galbeed kaga beegan Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyadu ay dhaceen xilli ay ciidamadu ku jireen howgallo baaritaanno ah, inkastoo aanay jirin khasaare ay geysteen.

"Xalay degmada waxaa lagu dilay askari dhar cad ah, saakayna baaritaanno ayay ciidamadu ka billaabeen xaafadaha degmada, balse laba qarax oo waaweyn ayaa la maqlay intii ay baaritaannadu socdeen," ayuu yiri Cali Nuur oo ka mid ah dadka ku nool degmada Afgooye.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyada, iyadoo qaarkood ay sheegayaan inay ahaayeen kuwo lagu weeraray ciidamada dowladda ee baaritaannada waday iyo warar kale oo sheegaya inay ahaayeen miinooyin ay ciidamadu soo saareen oo ay iyagu qarxiyeen.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay dilka askariga loo geystay, waxaana dilkan uu imaanaya xilli ay degmadaas ka jireen toddobaadyadii lasoo dhaafay xaalado deggenaasho ah; kaddib dhibaatooyin fara badan oo ay ciidamada dowladdu u geysteen dadka ku nool degmadaas.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxyadii saakay dhacay iyo dilkii xalay loo geystay askariga. Waxaana degmada Afgooye ay ka mid tahay degmooyinkii ay ciidamada dowladdu kala wareegeen Al-shabaab horraantii sannadkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
9/19/2012 12:40 PM EST
Arbaco, September 19, 2012(HOL):Waxaa magaalada Xaafuun ee dalka Gobolka Bari lagu xiray Fannaanka Khaalid Abuukar Cadaani (Super Khaalid) iyo Bashiir Mursal Ciise oo la dhashay Fannaanadda Maryan Mursal Ciise, iyagoo haatanna ku jira xabsi ku yaallada degmadaas.

9/19/2012 9:20 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay si dhow ula shaqeynayaan hay'adaha cusub ee dowladda Soomaaliya iyo xafiisyada xukuumadda, waxayna ku dhiirrigeliyeen madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh Maxamuud inuu soo dhiso xukuumad loo dhan yahay lalana xisaabtami karo.

9/19/2012 9:19 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Tartan kubada cagta ah oo lagu maamuusayo wax qabadkii Alle ha u naxariistee Eng Cali Xaaji Shirwac ayaa si rasmi ah uga furmay garoonka kubada cagta Cawaale ee degmada Gaalkacyo.

9/19/2012 9:12 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Qunsulkii safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, Maxamed Cismaan Adan (Edson) ayaa maanta lagu aasay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaddib markii uu xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi.

9/19/2012 8:25 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta ka dhacay kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen cuqaasha iyo waxgaradka 4 degmo oo ka kala tirsan gobolada Bari iyo Karkaar, kuwaas oo kala ah: Baargaal, Waaciye, Ufeyn iyo Rako.

9/19/2012 8:17 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Qurbo-joogta beesha Xawaadle ayaa gef ku tilmaamay hadallo ay warbaahinta siiyeen shaqsiyaad beesha ka tirsan, kuwaasoo eedeyn ugu soo jeediyeen Ugaaska beesha, Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

9/19/2012 6:30 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa saaka ku waabariistay ciidamo aad u tiro badan iyo gaadiidka nooca dagaalka oo soo oo gaafwareegaya wadooyinka magaalada, waxaana sidoo kale magaalada soo gaaray masuuliyiin sar sare oo katirsan xarakada Al-shabaab.

9/19/2012 6:28 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Galguduud, odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobollka ayaa siweyn ugu howlan joojinta colaad u dhaxeeya labo beelood oo wada-dega gobolkaas.

9/19/2012 4:16 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada xildhibaannada baarlamanka federalka Soomaaliya iyo murashaxiintii xilka madaxweynenimo kula tartamay.

9/19/2012 3:56 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in ka bixitaanka magaalada Kismaayo uu ka horreeyo dhiig badan oo daata, xilli ay ka jirto magaaladaas cabsi weyn dadkuna ay ka barakacayaan.

9/19/2012 3:11 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Sam Ongeri ayaa iska diiday in qaraxii ismiidaaminta ahaa ee toddobaadkii hore lagu weeraray hoteel uu deggenaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.