9/24/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 19, 2012
Ciidamada Nabadsugidda Dowladda Somalia oo Xoriyadiisa dib ugu soo celiyay Wariye Khadar Maxamuud Xareed
Jimco, Oktoobar 19, 2012 (HOL) — Ciidamada Nabadsugidda dowladda Soomaaliya ayaa xalay fiidkii xoriyadiisa dib ugu soo celiyay wariye Khadar Max’uud Xareed oo mudo sedex maalmood ah u xirnaa.

Wariyahan oo ka howlgeli jiray idaacadda Radio Goobjoog islamarkaasina hore uga soo shaqeeyay magaalada Kismaayo ayay ciidamadu ku eedeeyeen in uu xiriir la leeyahay Al-shabaab, haseyeeshee baaritaan dheer kadib ayay ciidamada nabadsugiddu sheegeen in wariye Khadar uusan lug ku lahayn falalka looga shakiyay.

Wariye Khadar Max’uud Xareed oo aan qadka Teleefonka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in lasoo daayay Xalay Fiidkii, wuxuuna intaa ku daray in uu aad ugu faraxsanyahay in uu dib u helo xoriyadiisa.

“Mudo Sedex maalmood ayaan xirnaa, ka sokow xoriyada layga qaaday iyo maxbuusnimada ma jirin wax kale oo dhibaato ah oo la I gaarsiiyay mudadii aan xirnaa,” ayuu wariye Khadar Hadalkiisii raaciyay.

Soo deysmada Wariye Khadar ayaa waxa si diiran usoo dhaweeyay Ehelladiisa iyo qaar kamid ah suxufiiyiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caalamka daafihiisa.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya












Click here
10/19/2012 10:26 AM EST
Jimco, Oktoobar, 19, 2012 (HOL) - Shirkada Xawaalada Jubba Express ayaa maanta gaarsiiyay deeq lacageed qoysas dhibaateysan oo isugu jiray kuuwii ay saameynta ku yeelatay fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne iyo qoysas ay la soo darseen daruufo kale oo dhinaca nolasha ah.

10/19/2012 4:23 AM EST
Jimco, Oktoobar 19, 2012 (HOL) — Xiriirka Sooamaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa weydiisatay ciidamada AMISOM inay ka guuraan garoonka kubadda cagta Muqdisho (Stadium Muqdisho) si loogu qabto ciyaaraha kubadda cagta ah.

10/19/2012 4:06 AM EST
Jimco, Oktoobar 19, 2012 (HOL) — Kooxo dabley ah ayaa xalay ku toogtay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose nabaddoon si weyn looga yaqaan degmadaas oo lagu magacaabi jiray, Xasan Sheekh kaddib markii ay kooxdu ku weerartay afaafka hore ee gurigiisa.

10/19/2012 4:03 AM EST
Jimco, Oktoobar 19, 2012 (HOL) — Maxkamad ku taalla gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa ayaa dambiyo ku saabsan inuu taageero u fidiyay Al-shabaab ku heshay nin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo, Maxamuud Siciid Cumar, kaddib dacwad toban maalmood socotay.

10/19/2012 3:51 AM EST
Jimco, Oktoobar 19, 2012 (HOL) - Ciidamada badda Puntland ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen meel u dhow degmada Qandala ee gobolka Bari, kusoo qabtay hub sharci daro ah oo laga soo dejiyey meel xeeb ah oo degmadaas wax yar ka durugsan.