4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 19, 2012
Dabley hubeysan oo xalay ku Toogatay Bartamaha Magaalada Kismaayo Nabaddoon si weyn looga yaqaanay degmadaas

Jimco, Oktoobar 19, 2012 (HOL) — Kooxo dabley ah ayaa xalay ku toogtay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose nabaddoon si weyn looga yaqaan degmadaas oo lagu magacaabi jiray, Xasan Sheekh kaddib markii ay kooxdu ku weerartay afaafka hore ee gurigiisa.

Dilkan ayaa waxaa geystay kooxo bastoolado ku hubeysan oo wajiga qarsaday sida uu sheegay mid ka mid ah nabaddoonnada ku sugan Kismaayo, iyadoo kooxihii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen markiiba.

"Xasan Sheekh wuxuu ahaa 70-jir waxaana lagu toogtay illinka gurigiisa; kooxihii ka dambeeyay dilkiisa oo wajiga qarsadayna markiiba way baxsadeen," ayuu u sheegay warbaahinta nabaddoon kale oo sababo ammaan awgood magaciisa u qariyay.

Cidamada dowladda ayaa la sheegay inay goobta uu dilku ka dhacay tageen ayna billaabeen baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihii dilkaas ka dambeeyay, iyadoo uu noqonayo nabaddoonkan kii labaad oo degamdaas lagu dilo tan iyo markii Al-shabaab lagala wareegay laba todobaad ka hor.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay dilka loo geystay nabaddoonka iyadoo sidoo kalena aysan saraakiisha dowladda ee Jubbooyinka sheegin cid ay u qabteen dilka loo geystay nabaddoonkan.

Tan iyo markii ciidamada dowladda, kuwa Kenya iyo Raaskambooni ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa ka dhacayay degmadaas dilal loo geysanayo dadka rayidka ah, kuwaasoo ay geysanayaan kooxo hubeysan oo aan la garanayn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya