![]() |
Garsoorayaasha maxkamadda ayaa sheegaya in dambiyada ay ku keeni karaan ruuxa lagu helay in lagu xukumo xabsi muddo dheer ah. Iyadoo la dhageystay ka hor inta aan la sheegin in dambiyada lagu helay ninkan markhaatiyaal saddex ah oo caruurtoodii ay ka tageen Minneapolis ayna ku biireen Al-shabaab.
Markhaatiyaasha la dhageystay ayaa waxaa ku jiray hooyo dhashay wiil 19-jir ah oo ku biiray Al-shabaab kuna dhintay Soomaaliya iyo gabar la dhalatay wiilkii ugu horreeyay ee Soomaali-Mareykan ah oo fal is-qarxin ah ka sameeya Soomaaliya.
Garyaqaannadii u doodayay Maxamuud Siciid ma aysan keenin wax markhaatiyaal ah, waxaana maxkamadda laga sheegay in lacago uu bixiyay Cumar lagu iibiyay qori AK-47 ah si ay Al-shabaab ugu dagaalanto.
Dadkii dacwadda ka qaybqaadanayay ayaa waxaa loo shiday cajalado dacaayado ah oo ay Al-shabaab sameysatay, kuwaasoo ay ka dhex muuqdeen weerar lagu qaadayo ciidammo Itoobiyaan ah oo ka mid ahaa kuwii caawinayay dowladdii Soomaaliya.
Dacwaddan ayaa waxay ka qayb ka ahayd dacwado ka dhan ah 19 ruux oo Soomaali ah Mareykan ah, kuwaasoo ay ku jiraan shan ku dhimatay gudaha dalka Soomaaliya iyagoo u dagaalamaya Xarakada Al-shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
