9/28/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 19, 2012
Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta oo ka codsaday Ciidamada AMISOM inay ka Guuraan Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho (SAWIRRO)
Jimco, Oktoobar 19, 2012 (HOL) — Xiriirka Sooamaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa weydiisatay ciidamada AMISOM inay ka guuraan garoonka kubadda cagta Muqdisho (Stadium Muqdisho) si loogu qabto ciyaaraha kubadda cagta ah.

Garoonka oo hadda ah saldhig ay deggen yihiin ciidamada Midowga Afrika ayaa wax dayactir ah lagu sameyn tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, waxaana dhowr jeer oo hore saldhigyo ka dhigtay ciidammo kala duwan.

"Waxaan weydiisannay ciidamada Midowga Afrika inay ka guuraan garoonkaas si dib loogu billlaabo ciyaaraha kubadda cagta," ayuu yiri xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta C/qani Saciid Carab oo saxaafadda la hadlay.

Siciid Carab wuxuu sheegay in isaga iyo xubno ka tirsan wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya ay booqdeen garoonka, ayna ku arkeen ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa AMISOM oo saldhig uu u yahay.



Dalabka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ay inta badan Muqdisho tahay goob xasilloon, waxaase garoonka oo ay dowladda Shiinuhu dhistay sannadihii toddobaadyadii uu weli saldhig weyn u yahay ciidamada AMISOM.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kaasoo ay kaga jawaabayaan dalabka kaga yimid xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo noqonaya kii ugu horreeyay ee loo jeediyo ciidamadan.

Xarakada Al-shabaab ayuu saldhig u ahaa garoonka ka hor intii aysan ciidamada AMISOM la wareegin dabayaaqadii sannadkii hore, markaasoo Al-shabaab ay isaga baxday inta badan magaalada Muqdisho oo ay ka talinaysay.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
10/19/2012 10:26 AM EST
Jimco, Oktoobar, 19, 2012 (HOL) - Shirkada Xawaalada Jubba Express ayaa maanta gaarsiiyay deeq lacageed qoysas dhibaateysan oo isugu jiray kuuwii ay saameynta ku yeelatay fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne iyo qoysas ay la soo darseen daruufo kale oo dhinaca nolasha ah.

10/19/2012 4:51 AM EST
Jimco, Oktoobar 19, 2012 (HOL) — Ciidamada Nabadsugidda dowladda Soomaaliya ayaa xalay fiidkii xoriyadiisa dib ugu soo celiyay wariye Khadar Max’uud Xareed oo mudo sedex maalmood ah u xirnaa.

10/19/2012 4:06 AM EST
Jimco, Oktoobar 19, 2012 (HOL) — Kooxo dabley ah ayaa xalay ku toogtay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose nabaddoon si weyn looga yaqaan degmadaas oo lagu magacaabi jiray, Xasan Sheekh kaddib markii ay kooxdu ku weerartay afaafka hore ee gurigiisa.

10/19/2012 4:03 AM EST
Jimco, Oktoobar 19, 2012 (HOL) — Maxkamad ku taalla gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa ayaa dambiyo ku saabsan inuu taageero u fidiyay Al-shabaab ku heshay nin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo, Maxamuud Siciid Cumar, kaddib dacwad toban maalmood socotay.

10/19/2012 3:51 AM EST
Jimco, Oktoobar 19, 2012 (HOL) - Ciidamada badda Puntland ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen meel u dhow degmada Qandala ee gobolka Bari, kusoo qabtay hub sharci daro ah oo laga soo dejiyey meel xeeb ah oo degmadaas wax yar ka durugsan.