4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 7 , 2012
Xaflad mideysay Soomaalida New England ee dalka Mareykanka oo ka dhacday magaalada Boston (SAWIRRO)


Isniin, May 07, 2012 (HOL): Xaflad si seer sare ah loo soo agaasimay oo markii ugu horreysay mideysay Soomaalida ku nool gobollada laysku yiraahdo New England ee dalka Maraykanka ayaa ka dhacday magaalada Boston ee Gobolka Massachusetts.

Xaflada ayaa aheyd mid loogu mahad celinayay Raiisul wasaarihii Hore ee Somaliya ahna Xoghayaha Guud ee ururka Siyaasiga ee TAYO Mohamed Abdulaahi Mohamed Farmaajo wax qabadkiisii wanaagsanaa ee uu qabtay intuu ahaa Raiisul wasaarihii Soomaaliiya.

 Raiisul wasaare Farmaajo ayaa indhawaalaba aad ugu mashquulsanaa sidii uu isugu keeni lahaa Soomaalida ay colaadda  kala fogeysay taasina waxaa marag muujin u ah sida xalay reer New England ay u mideysay xafladda loogu mahadcelinayay.


Raiisul wasaare Farmaajo wuxuu reer New England kula dardaarmay inay gacmaha is qabsadaan, ayna iska ilaaliyaan wax walbo oo dhib ka dhex abuuri kara,  iyagana waxay uga mahad celiyeen sida wanaagsan ee uu umadda Somaliyeed  isugu keenayo, waxayna kula dardaarmeen in xisbiga TAYO uusan ka leexan waddada uu ku taagan yahay oo la mid ah tii SYL.

Garaadka reer Boston Garaad Food oo shacabka ku boorinaya in ay la'taageero lana garab istaago urur siyaasadeedka TAYO kuna ammaanaya Ra’iisal wasaare Farmaajo sidii hufnayd ee uu ugu hiilliyay shacabka Soomaaliyeed isagoo ku waayay Jagadiisii Ra’iisal wasaaranimo ee uu Soomaaliya ka hayay.

Xafladda oo ay si wada jir ah ay u soo agaasimeen reer New England  oo ka kooban gobollo badan oo ay ka mid tahay Massachusetts, Vermont, Maine, Connecticut  iyo kuwa kale  ayaa waxay ku soo gabagabowday Jawi aad u wanaagsan oo ay farxadi ku dheehan tahay.






Aden Ali
Buffalo N.Y