4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 7 , 2012
Maamulka Dowladda KMG Soomaaliya ee Gobolka Gedo oo mid ka mid ah askartooda ku fuliyay xukun dil ah

Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Maamulka Dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa maanta fuliyay xukun dil ah, kaasoo lagu fuliyay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo ku eedeysnaa in uu dil u geystay askari kale.

Gudoomiyaha gobolka Gedo Max'ed Cabdi Kaliil oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in go'aanka ah in la dilo askarigii qof dilo uu yahay mid lagu doonayo in lagu joojiyo dilalka askarta dhexdooda ah, isagoona sheegay in xukun kan lamid ah uu muteysan doono askarigii dil ceynkan oo kale ah geysta.

Askariga xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa lagu magacaabaa Ismaaciil Diiriye, waxaana askarigani uu hore si bareer ah toogasho ugu dilay Marxuum Xasan C/weli oo isna kamid ahaa ciidamada dowladda KMG ee gobolka Gedo.

Waa markii ugu horeeysay oo askari katirsan ciidamada dowladda lagu fuliyo xukun ceynkan oo kale ah tan iyo intii ay ciidamada dowladda ay la wareegeen degmooyin katirsan gobolka Gedo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya