9/24/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 7 , 2012
Xisbiga Hiil-Qaran oo dalka Holland ku qabtay kulan ballaaran iyo Prof. Samatar oo ka warbixiyay wixii uu Muqdisho kusoo arkay



Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Shir ay soo abaabuleen ururka Hiil-Qaran oo ka mid ah xisbiyadda doonaya inay hoggaanka u qaqbtaan Soomaaliya oo ay horkacyaaan shaqsiyaad qurbo-joog ah ayaa Axaddii shalya lagu qaabtay Magaalada Apeldoorn ee dalka Holland, waxaana kulankan oo ay ka soo qeybgaleen bulshadda Soomaalida ee ku dhaqan magaaladaas, & gobolo kale ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyey Guddoomiyaha Guud ee Xisbiga Qaran Ibraahim Macalin Mursal, Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah xubnaha ugu firfircoon ee xabsiga, Guddoomiyaha KMG ah ee faraca Holland Cali Cabdi Waare, Avv. Muuse Xersi & xubno kale oo fara badan.

Nuxurka khudbaddihii kulankaasi laga jeediyey ayaa u dhacay siddatan:-

Macallin C/raxmaan: Anigu weligeey dowladnimo ma arag, waan maqlay, macaanka dowladnimada ayaan u baahanahay, ilaa dalkan {Holland) aan ku arkay ma ahane, laakiin wadankaaga oo aad dowladnimo ku aragtid ayaa wax kasta ka qaalisan,

Hiilqaran ha loo hiiliyo, haddii aad dooneysid inaad wadankaaga dowlad islaami ah ka dhaliso, oo aad ku fikirtay dadka fikirka billaabay & kuwa ku soo raacay ajir bey helayaan.

Drs. Ruqiyo Axmed Sabriye (Xeynuuf): Waxaan ka mid ahay Soomaalida degan Apeldoorn, sababaha aan ku taageeray Hiilqaran waxaa ugu muhiimsan in loo hiiliyo Qarankii naga burburay, 21-kii sano ee uu dalku burbursanaa marna ma taageerin xisbi ama urur siyaasadeed, ma rabin inaan faraheyga meel wasaqeysan dhigo, markii aan arkay Hiilqaran waxaan goostay inaan iskaa wax u qabso ugu shaqeeyo, waxaan la dhacay ujeedooyinka Hiilqaran, wadankeena ayaan wax ku bartay oo aan kaga baxay ilaa heer Jaamacadeed, waxaan ku fikiraa goormaad xaqii uu dalkaagu kugu lahaa celin doontaa.? waxaa muhiim ah inaan barano Qaranimo waxa ay tahay oo aan ka gudubno qabiil, Muqdisho waxaa laga dhigay kawaankii hilibka, dal waan qabnaa laakiin shicibkii ayaa la marin habaabiyey.


Avv. Muuse Xersi:
Magaalada Apeldoorn sababta loogu doortay kulankan maanta inuu ka dhaco waxey tahay siduu ururku ugu fidi lahaa dhammaan gobolada dalkan Holland, loona heli lahaa dhiig cusub oo ka qeybqaata sidii dalkeena loo badbaadin lahaa, xisbigu taageerada dadka ayuu raadinayaa oo aheyd in dalka la gaaro.

Wadankii markii waxaan ku soo aragnay ma ahan wax laga sheekeyn karo, waxaan soo aragnay ummad aad u dhibaateysan, una baahan in laga shaqeeyo sidii looga soo saari lahaa ceelka ay ku dhaceen.

"Xisbiga wuxuu leeyahay gole dhexe oo 11 xubnood ah, howshooduna waa in ay jeexaan qadka & jihada Hiilqaran, iyagu ma ahan dad xukun & in ay xafiis siyaasi ah ay qabtaan uu sharcigu u ogolyahay, qofku haddiiba uu ka mid yahay golaha dhexe ma geli karo hogaanka, qeybtaas xisbiga ka tirsan ayuu guddoomiye u yahay, waqtiga uu ku jiro ma badna, waxaa jagadan hayey mudane C/risaaq Xaaji Xuseen maadaama howshan ay howl culus tahay isaga ayaa ka cudurdaartay inuu noqon karin guddoomiyaha xilligan caafimaad ahaan darteed, sidaas ayaa Ibraahim Mursal looga dhigay Hiilqaran, sababta loogu xishay waxey tahay markii la arkay taariikhdiisa, anigu qofku inuu Jaamacad ka soo baxo in ay muhiim tahay uma arko, waxa aniga i taabtay 30 sano ku dhow ayuu wasaaradii waxbarashadda & barbaarinta ka shaqeynayey ma u maleynayo in ay tahay qof ka soo baxay waxbarashadii & tarbiyadii ummada soomaaliyeed taas ayaa keentay"


Wixii aan ku soo arkay Muqdisho: 
Aniga Muqdisho muddo ayaan ka maqnaa, anigoo tegitaankeygu culeys igu yahay ayaa la i qasbay, balse waxaa soo laabtay anigoo qof kale ah, waxaan dayuurada wada saarneyn dad dalal kala duwan ka tegay, Ameriko qolo ka timid ayaan wada soconay, dadkaas waxa keliya ee aan u wada soconay waxey aheyd war ummaddeena & dadkeena sideen wax ugu qabanaa ? qarashka la soo bixiyey, dareenka ka muuqda, yacni ififaalo wanaagsan baa muuqatay, sheekadeenu dan ummadeed un baan ka hadleynay taas wax qof bini'aadam ah taaban karo waaye, waa i taabatay, dadkii aan meesha ugu tagnay qaar baa yiri Maxaad Soomaaliya isugu wareerineysaa, dadkan qabiil baa dilay danahaaga raaco, dad niyad fiicana waxey leeyihiin dhaxal badan oo la idinku xusuusan doono ayaad yeelaneysaan hadaad dhexda u xirataan sidaad ummaddan u badbaadin laheydeen.

Ibraahim Mursal: Annaga oo diinta islaamka sida ay tahay ugu dhaqmeyno ayaan gaari karnaa dowladnimo taam ah & haykal ku dhisan nidaam & kala dambeyn.

Golaha dhexe waxaa xaaraan ka ah in ay hogaanka dalka isku soo sharaxaan, aan bedelno sida loo dhaqmaayo, kooxdaan waxaa ka xaaraan ah in ay marna damcaan ama ay qabtaan mansab siyaasadeed, taasi waxey inoo fududeysay inaan fiirino oo keliya maxey tahay maslaxada ummadda lagu hogaamin karo, guddiga waxyaabaha lagu aasaasay waxaa ka mid ah

Soomaali asalkii hore ee leegadu ku xoreysay markii ay dhaqaalahooda isku filnaadeen, syl waxey diideen Talyaani & Ingiriis ay wax ka qaataan & cid kasta oo dibedda ah, hadda dadkii wax yar ayaa ka nool waa jiraan, jeebkooda ayey wax ka maamuli jireen taasi waxey keentay in soomaali ay qaadato mabda'a leegada, waxaa naga xaaran ah ajnabi in aan 1 euro ka qaadano, xisbiga

Muqdisho sida ay maamul ugu baahan tahay & sida aanan attention loo siineyn wax is qaadan kara ma ahan, waxaan soo arkay dad diyaar ah in dalka la badbaadiyo oo shicib & ganacsato isugu jira, dadkii waa bislaadeen waxey taagan yihiin war dalka ha la badbaadiyo, caqabada taal ayaa waxey tahay shicibkii isbedel ayey doonayaan kooxihii dalka haystay 20-kii sano iyagana in ay tagaan ma doonayaan.

Dr. Cali waare: Waxaan isugu nimid waxa aan wada wadaagno, oo dhammaanteen naga dhaxeeya oo ah inaan waddankeenii qurxoonaa, oo wanaagsanaa aan kaalinta nagaga aadan ka geysano sidii nidaam & kala dambeyn loogu soo celi lahaa.

Dalkii Soomaaliya ee aan ka nimid dhibaato aan la xisaabi karin ayaa muddo dheer ka jirtay, mar walba meel ayey taagneyd, dadkana dhan {negative} lama dhihi karo, sidii loogu talogalay wax uma dhicin, waxyaabaha soomaali ahaan qeyb ayaan ku leenahay, doorkii Soomaalinimo ayaan ka gaabineynaa, arrintaas dhammaanten inaan u wada guntano ayaa lagama maarmaan ah.


Prof. Axmed Ismaaciil Samatar:

Safarkiisii Muqdisho:
Muqdisho ayaan ku billownay socdaalkeenii, qofkii ay Muqdisho u degan tahay reer ama garanaya gacanta taag, aniga article ayaan ka qorayaa socdaalkeyga, dhowaan ayaana soo daabici doonaa hadduu ALLE idmo.

Muqdisho ma waxey ahaan jiray beri, mise waxey noqotay. Waxey ahaan jirtay caasimadii xadaaradda. Radio Muqdisho ayaan ka shaqeyn jiray, Camuud baan ka tegay, waxaan xusuustaa in ay aheyd magaalo caasimad ah oo ilbaxnimada Soomalaidu ku uruurtay, dad karti leh baa deganaa, markaad soo gasho adeegyo badan baa laga heli jiray, meeshaad ka eegtaba caasimad lagu faano ayey aheyd. Article-ka aan qoray waxaa la yiraa {Baadiyeyntii Muqdisho} Dadkii ehelka u ahaa ama magaaladu ku tiirsaneyd waa ka yaaceen, Soomaali badan ayaa timid oo u badan dad baadiyaha ka soo yaacay, ama dad baahi ay keentay, dhaqan baadiye ah inuu Muqdisho u aasan yihiin ayaa muuqaneysa.

Waxaa aad ugu yar ama laga weynayaa Muqdisho dadka qabta shaqooyinka muhiimka ah sida rinjiyeynta, farsamadda koronta, farsamada gacanta IWM. dadka shaqooyinka internet-ka & farsamooyinka kale qabta waxaa laga soo kireystaa Kenya. Hoteelka aan ku dagnay ninka iska leh oo ahaa nin fariid ah si uu u helo dad yaqaan farsamada gacanta wuxuu ka soo kireystaa Kenya. Sideey berri aheyd Muqdisho & sida ay maanta tahay waa wax aad u kala fog. wuu yaabay Guddoomiyaha Ibraahim waa reer Jaziira.

Dhanka Horumarka: Waxaad arkeysaa dhalinyaro fara badan oo Jaamacado ka dhigta oo hamigoodu aad u sareeyo, waxaad shaahid u noqoneysaa dadkii Soomaalida oo ku oranaya qabiil waan ka daalnay, oo weliba kugu celcelinaya oo ku leh qabiil wax uu qiimo leeyahay ma jirto, waddaad siyaasad watana waan ka daalnay, weliba sidaa waxaa leh niman waddaado u eg, siyaasad & diin la isku walaaqay 2-daas ayaan aragnay ee idinku maxaad haysaan bay leeyihiin raggiina dibedda ka yimid.? waxaan oo kale dadku leeyihiin waxaan ku daalnay kuwa sheeganaya Profasooro oo aan cirbad & dun is gelin karin, adiga & Cabdi Ismaaciil waa inaad masaxdaan fikirkaa.


Sida ay dadku u arkaan Hiil-Qaran:
Meel kasta oo aad marto Hiilqaran baa la leeyahay, cabsi baa na gashay, annagana aan is ognahay sida hamigayagu yahay, xisbi kale oo quwad leh oo tartamaya iima muuqan, hebel baa halkan jooga oo wuu sharaxan yahay waan maqlay & nin meel ku qayilaya oo leh waan sharaxanahay, laakiin dad xilqaadi kara oo marxaladii aan arkay ummadda ka saari kara sooma arag.

Waxaan booqday safiirka Turkiga ee Muqdisho fadhiyey runtii Turkiga, aad ayey inoo saacideen, waana wadanka keliya ee ay ka daacad tahay inuu garabka qabto Soomaaliyada burburtay, waxaan u geeyey dukumintiga hadafka & ujeedooyinka Hiilqaran wuxuu yiri waa markii ugu horreysay ee gacanta la ii geliyey ama aan arkay qof ama xisbi ii soo gudbiya dukumintis ku saabsan waxqabad & hindise dalka lagu badbaadinayo, waa kuu imaanayaan qolooyin ku leh waan sharaxanahay, wax nidaam ah oo ay ku tusayaana ma jjirto, wuxuu yiri waa la idin sugayaa rajaduna waa weyn tahay xagiina.

Nin Mahiga la yiraa ayaa dalkii qurunsaday sidaa & sidaa intuu yiraa ayuu dadkii oo dhan dharbaaxo kala daalay, wax iska celiya oo fadhiiso yiraa ma aanu helin, markii ay waraaqaha soo saareen maalin dhoweyto oo ay leeyihiin dadka (spoilers) ah, waxaan ku iri yey yihiin dadka ajnabiga ah ee Soomaalida ku oranaya ma hadli kartaan ? idaacadda ayaan ka hadlay oo aan iri yaad tihiin ? {who are you} danteena ayaa ku jirta in aynaan noqon dad wax burburinaya laakiin maslaxadeena ma jirto cid inoo yeeri karta oo aan kaga cabsaneyno, ILLAAH mooyiye cid kale oo aan ka fasax qaadaneyno ma jirto.


Qaranimadu waxey ka billaabaneysaa geesinimadaas in la yeesho, oo aad ogtahay in dalkaagu kuu baahan yaay oo sharaftaada ilaashato oo innaga aan danteena ka hadalno ama waaberi ama gudcur waqtiga ay noqoto.

In la yiraa Soomaalidii ma tashan kareyso ee waa in loo taliyaa, oo loo sameeyo qof barasaab ka weyn waa Mahiiga oo la sii daliciyo oo gacmihiisa ay ka sii weynaadaan sida ay hadda yihiin ayaa socota, qidadaas waa taalaa, waa gumeysi cusub oo diyaarsan, haddii aynaan Soomaaliyeey aynaan meel iska dhigin waxa ina kala dilay, oo danteena u midoobin ogaada taa baa meel inoo taal.

Qorshaha Hiil-Qaran: Dal kasta oo safaarad ay dowladdu leedahay waa la xirayaa gebigood haddii aan tartanka doorashada ku guuleysanno, markaa kadib ayaa safaaradihii dib loo furayaa, dadka safaarada ka howlgalayana waxaa lagu soo xulayaa aqoon, karti & waddaniyad, hadaad karti ku tagtayna waa ka soo bixi, haddaad ina hebel ku tagtayna {you are out}.

Waa muhiim sida loo dhisayo xiriirka ay ummadda Soomaaliyeed la leedahay dalalka caalamka gaar ahaan deriska, taana waxaan u sameynay shuruuc gaar ah.


Samatar & Taliyaha Ciidamada:
Jenaraalka ciidamada Soomaalida madaxda u ah waa nin ka yimid magaalada Colombus ee gobolka Ohio, wuxuu ahaa nin siddeena oo kale qurba-joog ah oo ka damqaday dhibaatada dadkiisa haysata oo dalkii tegay kadibna xilkaa qabtay, waxaan ku kulanay casho, wuxuu igu yiri Max'edow waad arkeysaa derajadeyda 3 xiddig & mijir waa janan buuxa, wuxuu yiri maalin walba anigoo ciidamadii Soomaalida madax u ah ayaan 2 xiddigle ajnabi ah u barya tagaa, waxaas ayaan u baahanahay & waxaas ayaan u baahanahay, is liidid & isdeldelaad ayaa maalin walba igu dhacda, waan qushuuacay, bal xisaabi qof isaga ka sii hooseeya sida loola dhaqmi karo, ama uu isaguba u dhaqmi karo, dulinimo ayaan kaga soo tegay Muqdisho, aniga qof kama hadlayo, laakiin ma jirto wax haykal dowladeed oo ay Soomaalidu u madax-banaantahay.

Kulankii Madaxweynaha & Ra'iisul wasaaraha Wasaaraha: Prof C/weli si sharaf leh ayuu inoo soo dhoweeyey, waxaan ka wadahadalnay sidii dadkan ummadnimadooda loo badbaadin lahaa, waxaan ku iri siddii ay anniga ila aheyd.

Madaxweynaha socodkeygii hadda isma arag, bishii Maarso ayaan arkay, su'aal ayuu i weydiiyey uu leeyahay. "Guddiga Somaliland & Soomaaliya dhexdhexaadinaya ee la abuurayo ma kugu dari karaa.? waxana ku iri "Kaarka iska gubi maayo, ee waan kugu soo socdaa ee is ilaali"

Awood qeybsiga afar dhibbic bar (4.5): Haddaan Hiilqaran nahay 4.5 way urtaa mana dooneyno, haddii aanan 4.5 laga tegi karin oo ay tahay habka meesha taal, waa in laga dhiga 5 oo beelaha Soomaalida la simaa bilaa shuruud, ayna ku ekaato baarlamaanka keliya oo hay'adaha kale ee dowladda dadka galaya waa in lagu soo xulaa karti, daacad & qofkani waajibaadka loo igmaday ma gudan karaa ? alaabtaan anigaa laan dheere ah waa dhammaatay, dalka waana loo siman yahay, waxaa lagu durkayaa waqtigii cadaalada. Eeg Cumar dhuule & Axmed Saleemaan waa haaf, Axmed Samatarna wuu baxaa, taas waa bulshit, mana qaadan karno.

Safarkii aan ku tegay Xerada Dhadhaab: Dhadhaab waan tagnay waxaanu aheyn xisbiga keliya ee tegay, markaan ka soo laabanay dhowr cisho biyo waxa aan aheyn igama degin, waxey noqotay magaalo weyn, tirada dadka darteed waxey la tartameysaa Hargeysa, waa magaalada labaad ee ugu dadka badan, dad yimid 20 sano ka hor oo dhalinyaro ahaa oo maanta awoowe & ayeeyo ah ayaa ku jira, bal eeg cuqubadaas, 18 jir ayey ku yimaadeen kuwii ay dhaleen baa wax sii dhalay, filim wanaagsan baa laga soo qabtay, dadkii baan ku niri halkaan ciddi ma idinkugu timid, waxaa la yira innanka safiirka Kenya ugu ah dowladda ayaa dhowr jeer inoo yimid, haddaba waa sidee nolosha ay raadinayaan kuwa madaxda isku sheegaya ee Muqdisho babayga iyo kofeyga ku haysta, halkana 60 kun oo Soomaali ah baa ku macluulsan, neeftaa kugu dhageysa haddaad aragto, maxaa loo waayey dad ummaddan u istaaga oo wax la qabta, miyuu lumay dareenkii & mas'uuliyaddii hogaamineed ee qof kasta uu lahaa.?

Siyaasaddu waa inaad halkan (Dhadhaab) ka billowdaa, dadkaaga kuwa ugu liita halka ay joogaan waa inaad siyaasada ka billowdaa, ma ahan inaad badda Liido iska fadhido, Liido waa qurux badan tahay waan soo aragnay, cid kasta oo ku hamineysa in ay dadkeeda badbaadiso waa haddii ay dhab kaa tahay waa inaad ka bilowdaa halka ay joogaan kuwa ugu liita.

Annaga ujeedkeenu wuxuu yahay 60-da kun ee qoys ee Soomaaliyeed ee halkaas ku go'doonsan soo celintooda & dib u dejintooda ayaa mudnaan inoo noqoneysa annaga. Dadka aan halkan ugu imid ma ahan dad ka yimid meeshii aan ka imid ama gobolkeyga, waxey iila mid ahaayeen qoyskeyga, adeerey, walaalkey, hooyadeyd IWM.

Qof ku dhow da'da hooyadeey oo kale ayaa ii timid oo meel buush ka soo baxday, waxey ku hadleysay hooyadaasi af-maay, kelmadaha waan fahmayey, laakiin ugama baahnid inaad afkeeda fahamtid waxaad dareemeysaa oo ku ruxaya wejigeeda & jirkeeda sida uu u baaba'san yahay & sida durba uu jirkaagu u dubaaxinayo, waxaad kaloo dareemeysaa in ay tahay hooyo Soomaaliyeed oo qurux badnaan jirtay oo gurigeeda sharaf ku laheyd oo maanta xaalad halis ah ku jirta.

Dhahdhaab gudaheed waxaad dareemeysaa in aynaan aheyn dad dhintay, oo Soomaalidu tahay dad is-caawiya, iskuulo ayey sameysteen oo wax bay barteen, qofkii yiraa Dhadhaab baan ka imid waxaad tiraahdaa "Dhadhaab ma tagtay, hadaad tagtayna warkeeda noo dhiib"

Arrimaha Siyaasadda: Siyaasadda waan galnay, waan galeynaa ma ahan, ee waan galnay, aniga weligeey isma oran siyaasad Soomaaliyeed baad geleysaa, waxaan maqsuud ku ahay nolosha cilmiga (Academic life) oo ah mid macaan, nadaafad badan, jeebkuna iska yara buuxo, meeshaad gashaba waa lagu fahmayaa, waxaan u baahanahay inaan bedelno sawirka ay innaga haystaan dadka dalkii jooga, waxey inoo haystaan dad naarta halkaas ka socota halkaan ka shida oo basiin ku sii shuba, marka waa inaan xilweyn iska saarno sidii aan dalka u badbaadin laheyd, qof kasta oo xilkas ah waa inuu wiil ama gabar yar oo wax baraneysa caawiyaa oo aad dadkaaga sidaa u maalgeliso waxba kaa tari mayso haddaad 10 shillin ku bixiso

Somaliland maanta in lagala hadlo midow ma qabo anigu, xaq looguma laha waa nacasnimo mana qaadan karaan, yey la hadlayaan.?

Barnaamijka waxaa si qurux badan u xiriirnayey C/rashiid Macaane oo ka mid ah dhalinyarada Apeldoorn, waxaana dadkii kulanka joogay ka mid ahaa Xuseen Salaad, C/raxmaan Sheekh Muuse, Max'ed Cumar Abtidoon, C/llaahi Salaad Gurax, Samsam Rashiid, Nasteexo Axmed, Aamina Muuse, Ismaaciil Fuunge, Max'ed Cali, Max'ed weli, C/qaadir Nuune, C/nuur Dhabbato, Max'ed Jiilaal barow, C/weli Seylac & xubno kale oo fara badan

Cabdishakuur Cilmi Xasan
[email protected]
Ermelo, Nederland







Click here
5/7/2012 5:08 PM EST
Isniin, May 07, 2012 (HOL): Xaflad si seer sare ah loo soo agaasimay oo markii ugu horreysay mideysay Soomaalida ku nool gobollada laysku yiraahdo New England ee dalka Maraykanka ayaa ka dhacday magaalada Boston ee Gobolka Massachusetts.

5/7/2012 4:24 PM EST
Isniin, May 07, 2012— Dowladda Japan ayaa maanta ku wareejisay Dowlada KMG deeq ay ugu tala gashay Ciidanka Booliska Soomaalyeed. Deeqdaan ayaa ka koobanayd 16 Land Cruiser, 2 Ambulance 2 gaari oo kuwa ciidanka lagu qaado ah iyo jaakadaha laga xirto xabadda ( Bullet proof Jackets ) iyo koofiyadaha aan xabaddu karin.

5/7/2012 4:05 PM EST
Isniin, May 07, 2012 (HOL)- Munaasibad balaadhan ayaa loo sameeyey dhisme cusub oo saddex dabaq ka kooban oo loo dhisay guddida doorashooyinka Somaliland, waxaana xadhiga ka jaray Madaxweyne ku-xigeeenka Somaliland Md. CabdiRaxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

5/7/2012 9:28 AM EST
Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Kulan ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ayaa waxaa maanta ku yeeshay magaalada Beledweyne gollaha deegaannka, kuwaasoo markii ugu horeysay doortay Duqa magaalada Beledweyne.

5/7/2012 9:05 AM EST
Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa markii saddexaad loo dhaariyay xilka madaxnimo ee dalkaas, kaddib markii uu ku guuleystay doorashooyinkii madaxweynenimo ee Ruushka.

5/7/2012 8:36 AM EST
Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Kulankan ayaa waxaa looga hadlay sidii odayaasha dhaqanka ay qayb uga qaadan lahaayeen ansixinta dastuurka cusub ee dalka oo ay dowladdu doonayso in la meel mariyo si looga gudbo xilliga KMG ah ee lagu jiro.

5/7/2012 8:17 AM EST
Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Arday tiradoodu ahayd 29-ruux oo ka bogsaday xanuunka dhimirka ayaa waxbarasho ka dhamaystay xarunta lagu xanaaneeyo xanuunka maskaxda ee SAHAN, kuwaas oo ka qalinjabiyey waxbarashadda farsamooyinka Dawaarka iyo Laydhka,waxaana shahadooyinkii waxbarashadda lagu gudoonsiiyey xaruntoodda SAHAN oo ku taalla duleedka galbeed ee magaaladda Hargeysa.

5/7/2012 8:13 AM EST
Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Dajiraha Soomaaliya ee dalka Zambia Shirwac C/llaahi Ibraahim oo la hadlay wargeys lagu magacaabo The Post Zambia ayaa iska diiday eedeymo kaga yimid wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas, taasoo ku saabsanayd inuu mas'uul ka ahaa rabshad ka dhacday safaaradda Soomaaliya ee dalka Zambia taasoo keentay in la xiro safaaradda.

5/7/2012 6:33 AM EST
Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Waxaa Isbitalka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose la gaarsiiyay dad gaaraya ilaa 20 qof kuwaa oo la ildarnaa xanuuno kala duwan, waxaana dadkani kamid ah dad ay aad u liidato xaaladooda caafimaad.

5/7/2012 6:30 AM EST
Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Maamulka Dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa maanta fuliyay xukun dil ah, kaasoo lagu fuliyay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo ku eedeysnaa in uu dil u geystay askari kale.

5/7/2012 3:37 AM EST
Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay xiriirka ka dhaxeeya hooyada iyo gabadheeda ayaa lagu qabtay Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb-galeen in ka badan 150-haween, saraakiil ciidan iyo arday dhigta iskuulladai yo jaamacadaha Muqdisho.

5/7/2012 3:09 AM EST
Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa xalay saqdii dhexe mar kaliya ku soo toosay dhawaaqa hubka noocyadiisa kala duwan oo ay is weydaarsanayaan ciidamada maamulka gobollka Hiiraan iyo xoogagga Xarrakada Al-shabaab kadib dagaal culus oo labada dhinac ku dhaxmaray xaafadda howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.