4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 7 , 2012
Xilka Madaxweynenimo ee Ruushka oo markii saddexaad loo dhaariyay Madaxweynihii hore ee dalkaas Vladimir Putin

Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa markii saddexaad loo dhaariyay xilka madaxnimo ee dalkaas, kaddib markii uu ku guuleystay doorashooyinkii madaxweynenimo ee Ruushka.

Xaflad weyn oo ka dhacday xarunta dalkaas looga taliyo ee Karimilinka oo ku taalla baratmaha magaalada Moscow ayaa lagu dhaafiyay Putin Axaddii shalay, iasgoo ku maray wacad inuu si wanaagsan ugu shaqeynayo dadkiisa iyo dalkiisa inta muddada uu xilka hayo.

"Waxaan ku dhaaranayaa inaan howl wanaagsan qaban doono muddada cusub ee aan xilka hayo, dalkana aan gaarsiinayo horumar wanaagsan. Waxaan rajeynayaa in sannadaha soo socda ay noqon doonaan kuwo uu Ruushku kaga dhibkii haystay mudada dheer," ayuu yiri Putin oo ku dhaaranayay nuqullo ka mid ah dastuurka dalkaas.

Vladimir Putin ayaa laba jeer oo xilka madaxweynimo ee Ruushka loo dhaariyay, iyadoo xilligii lasoo dhaafay uu doorashooyinkii dhacay kaga guuleystay Dmitry Medvedev, kaasoo uu hadda ka guuleystay.

Ruushka ayaa wuxuu tan iyo markii uu burburay isbahaysigii midowga sofiyeeti ee uu majaraha u hayay waxaa soo maray shan madaxweyne, iyadoo intii aysan dhicin dharta Putin ay isku dhaceen dadweyne careysan iyo booliiska.

"Waxaan tixgelin doonaa dadkeyga iyo dalkeyga hooyo," ayuu yiri Putin oo intaas ku daray. "Waxaan ku guuleysan doonnaa hadafyadeenna oo dhan, sida inaan mideyno dadkeenna isla markaana aan xoojinno dimuqraadiyadda Ruushka,"

Mr. Putin ayaa wuxuu xilligii lasoo dhaafay ka ahaa dalka Ruushka ra'iisul wasaare iyadoo lagu xanto inuu yahay mas'uul adeegsada awood ka badan midda uu u ogol yahay dastuurka dalkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya