3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 7 , 2012
Kulan looga hadlay Ansixinta Dastuurka oo Wasiirro ka tirsan DKMG ay kula yeesheen Muqdisho Odayaasha dhaqanka

Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Kulankan ayaa waxaa looga hadlay sidii odayaasha dhaqanka ay qayb uga qaadan lahaayeen ansixinta dastuurka cusub ee dalka oo ay dowladdu doonayso in la meel mariyo si looga gudbo xilliga KMG ah ee lagu jiro.

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee DKMG ah, C/llaahi Goodax Barre oo la hadlay odayaasha ayaa u sheegay in heshiiska Roadmap-ka uu afar qodob oo waaweyn ka kooban yahay, saddex ka mid ahna ay dowladdu meel marisay.

"Qodobka saddexaad ee haray waa dastuurka, waxaana la idin kaga fadhiyaa inaad ansixisaan," ayuu Goodax u sheegay odayaasha dhaqanka, iyadoo isla goobta loogu qaybiyay odayaasha nuqullo ka mid ah dastuurka ay dowladdu soo diyaarisay.

Kulankan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Sabtidii lasoo dhaafay uu Muqdisho ka furmay shir ay yeelanayaan odayaasha dhaqanka, kaasoo lagu soo xulayo guddiga ansixinta dastuurka cusub si loogu gudbo xulidda xildihbaannada baarlamaanka.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxay dadaal weyn ugu jirtaa sidii ay xilliga KMG ah u soo gabagabeyn lahayd marka la gaaro bisha Ogoosto ee sannadkan, iyadoo qorshuhu uu yahay in markaas kaddib ay Soomaaliya yeelato dowlad joogto ah.

Odayaashii kulanka looga hadlayay dastuurka ka qaybgalay ayaa waxay si aad ah u soo dhaweeyeen hadalkii wasiirku uu u jeediyay, iyagoo sheegay inay qaybtooda ka qaadanayaan sidii dalka uu uga bixi lahaa xilliga dowladda KMG ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/7/2012 5:08 PM EST
Isniin, May 07, 2012 (HOL): Xaflad si seer sare ah loo soo agaasimay oo markii ugu horreysay mideysay Soomaalida ku nool gobollada laysku yiraahdo New England ee dalka Maraykanka ayaa ka dhacday magaalada Boston ee Gobolka Massachusetts.

5/7/2012 4:24 PM EST
Isniin, May 07, 2012— Dowladda Japan ayaa maanta ku wareejisay Dowlada KMG deeq ay ugu tala gashay Ciidanka Booliska Soomaalyeed. Deeqdaan ayaa ka koobanayd 16 Land Cruiser, 2 Ambulance 2 gaari oo kuwa ciidanka lagu qaado ah iyo jaakadaha laga xirto xabadda ( Bullet proof Jackets ) iyo koofiyadaha aan xabaddu karin.

5/7/2012 4:05 PM EST
Isniin, May 07, 2012 (HOL)- Munaasibad balaadhan ayaa loo sameeyey dhisme cusub oo saddex dabaq ka kooban oo loo dhisay guddida doorashooyinka Somaliland, waxaana xadhiga ka jaray Madaxweyne ku-xigeeenka Somaliland Md. CabdiRaxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

5/7/2012 9:28 AM EST
Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Kulan ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ayaa waxaa maanta ku yeeshay magaalada Beledweyne gollaha deegaannka, kuwaasoo markii ugu horeysay doortay Duqa magaalada Beledweyne.

5/7/2012 9:05 AM EST
Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa markii saddexaad loo dhaariyay xilka madaxnimo ee dalkaas, kaddib markii uu ku guuleystay doorashooyinkii madaxweynenimo ee Ruushka.

5/7/2012 8:17 AM EST
Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Arday tiradoodu ahayd 29-ruux oo ka bogsaday xanuunka dhimirka ayaa waxbarasho ka dhamaystay xarunta lagu xanaaneeyo xanuunka maskaxda ee SAHAN, kuwaas oo ka qalinjabiyey waxbarashadda farsamooyinka Dawaarka iyo Laydhka,waxaana shahadooyinkii waxbarashadda lagu gudoonsiiyey xaruntoodda SAHAN oo ku taalla duleedka galbeed ee magaaladda Hargeysa.

5/7/2012 8:13 AM EST
Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Dajiraha Soomaaliya ee dalka Zambia Shirwac C/llaahi Ibraahim oo la hadlay wargeys lagu magacaabo The Post Zambia ayaa iska diiday eedeymo kaga yimid wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas, taasoo ku saabsanayd inuu mas'uul ka ahaa rabshad ka dhacday safaaradda Soomaaliya ee dalka Zambia taasoo keentay in la xiro safaaradda.

5/7/2012 7:18 AM EST
Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Shir ay soo abaabuleen ururka Hiilqaran oo ah urur waddani ah oo ka mid ah xisbiyadda isbedeldoonka ah ee u tartamaya qabashada hogaanka dalka Soomaaliya, oo ay horkacyaaan shaqsiyaad qurba-joog ah ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Apeldoorn ee dalka Holland, waxaana kulankan oo ay ka soo qeybgaleen bulshadda Soomaalida ee ku dhaqan magaaladaas, & gobolo kale ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyey Guddoomiyaha Guud ee Xisbiga Qaran Ibraahim Macalin Mursal, Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah xubnaha ugu firfircoon ee xabsiga, Guddoomiyaha KMG ah ee faraca Holland Cali Cabdi Waare, Avv. Muuse Xersi & xubno kale oo fara badan.

5/7/2012 6:33 AM EST
Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Waxaa Isbitalka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose la gaarsiiyay dad gaaraya ilaa 20 qof kuwaa oo la ildarnaa xanuuno kala duwan, waxaana dadkani kamid ah dad ay aad u liidato xaaladooda caafimaad.

5/7/2012 6:30 AM EST
Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Maamulka Dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa maanta fuliyay xukun dil ah, kaasoo lagu fuliyay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo ku eedeysnaa in uu dil u geystay askari kale.

5/7/2012 3:37 AM EST
Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay xiriirka ka dhaxeeya hooyada iyo gabadheeda ayaa lagu qabtay Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb-galeen in ka badan 150-haween, saraakiil ciidan iyo arday dhigta iskuulladai yo jaamacadaha Muqdisho.

5/7/2012 3:09 AM EST
Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa xalay saqdii dhexe mar kaliya ku soo toosay dhawaaqa hubka noocyadiisa kala duwan oo ay is weydaarsanayaan ciidamada maamulka gobollka Hiiraan iyo xoogagga Xarrakada Al-shabaab kadib dagaal culus oo labada dhinac ku dhaxmaray xaafadda howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.