4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 7 , 2012
Arday ka bogsaday Xannuunka Dhimirka oo ka qalin-jabiyey xarunta daryeelka Dadka Qaba Xannuunka Maskaxda ee SAHAN


Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Arday tiradoodu ahayd 29-ruux oo ka bogsaday xanuunka dhimirka ayaa waxbarasho ka dhamaystay xarunta lagu xanaaneeyo xanuunka maskaxda ee SAHAN, kuwaas oo ka qalinjabiyey waxbarashadda farsamooyinka Dawaarka iyo Laydhka,waxaana shahadooyinkii waxbarashadda lagu gudoonsiiyey xaruntoodda SAHAN oo ku taalla duleedka galbeed ee magaaladda Hargeysa.

Munaasibaddan shahaadooyinka ardayda lagu guddoonsiinayey waxa ka soo qaybgalay gudoomiyaha xisbiga kulmiye, Muuse Biixi, sheikh Aadan X. Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro), Wasiirkii hore ee Duulista Cali Warancade, qurbojoog, waalidiinta ardaydan qalinjabinaysa iyo madaxda sare ee xaruntan SAHAN ee magaaladda Hargeysa.


"Aad baan uga mahadnaqayaa dadkan dhamaystay waxbarashada, 2008dii ayaa la aasasay xaruntan ilaa maanta waxa soo maray 1460 qof, hadda waxa ku sugan ilaa lix boqol oo qof, ardaydan qalinjabanaysa waxay casharada qaadanayeen sideed bilood oo ay ku barteen farsamadda Laydhka iyo Dawaarka"ayuu yidhi gudoomiyaha xaruntan lagu xanaaneeyo dadka xanuunka waalidda ku dhacay Bashiir.

sidoo kale, waxa uu gudoomiyaha SAHAN dhaliilay ka war hayn la’aanta xukuumadda ee xaruntan, isagoo sheegay in xukuumaddii hore wax badan ku tartay balse aanay xukuumadani waxba ku darsan hawlaha xaruntan lagu xanaanaynayo dadka madaxa ka xanuunsanaya, waxaanu sheegay in hooyo Shan nin oo xanuunsanaya ku haysatay miyiga ay ka soo qaadeen oo ay xaruntan ku daweeyaan.

Xildhibaan: Xaaji cabdikariin Xuseen (Cabdiwaraabe) ayaa isna soo dhoweeyey xaruntan oo uu sheegay inay tahay mid la taageero, isla markaana dadkii ay shaqaystaan, isla markaana loo baahan yahay in la taageero xaruntan.


Sheikh Aadan X. Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo ka mid ah culimadda waaweyn ee Somaliland, ayaa isna hawl-wadeenadda xaruntan ku amaanay dadaalkoodda iyo sida ay ilaahay dartii ugu shaqaynayeen dadkoodda jilicdasan, isagoo xusay in qofka la keeno xaruntan laga qaado boqol doolar oo lixdan dollar ku baxdo dawadiisa, iyadoo ay sugayaan shaqaalihii, cuntadii iyo adeegyadii kale oo dhan.

Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in cabashadda ka soo yeedhay masuuliyiinta xaruntan ay wax ka qaban doonaan, isla markaana ay dhagaysan doonaan dhaliisha loo soo jeediyo.

Musharaxa madaxweynenimo ee xisbiga UDUB Mr: Cali Maxamed Warancade ayaa u mahadnaqay madaxda xaruntan SAHAN oo uu sheegay in hawlo badan ka hayaan qaranka, isla markaana daweyntii dadka xanuunsanaya ay ugu deeqeen waxbarasho.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay waalidka dhalay ardaydan qalinjabinaysa, culimo’udiin, Abwaan Beerleex iyo dad kale.





Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland