4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 17, 2012
Diyaarad Turkish Airline ah oo rakaab ay Soomaaliya u wadday ku celisay Istanbuul kaddib markii ay ku degi waday Garoonka Muqdisho

Khamiis, May 17, 2012 (HOL) — Diyaarad ay leedahay shirkadda Turkish Airlines oo rakaab u soo waday Soomaaliya ayaa dib ugu laabtay magaalada Istanbuul kaddib markii ay ku degi waday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha ay diyaaraddu ugu degi waday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan inuu jiro khilaaf soo dhexgalay diyaaradda iyo shaqaalaha socdaalka, halka warar kalena ay sheegayaan inay cillad awgeed ugu degi waday garoonka diyaaradaha Xamar.

"Ma ahan markii ugu horreysay oo diyaaradda Turkish Airlines ay ku degi-wayday garoonka diyaaradaha Muqdisho balse waa markii saddexaad, waxaana sabab u ahaa cillad farsamo," ayuu yiri Cali Yare oo ah wakiilka Turkish Airlines ee Somalia.

Wakiilku wuxuu hadalkiisa ku daray in diyaaraddu ay saddex jeer ku dul wareegtay garoonka markaas kaddibna ay dibna ay u duushay Addis Ababa halkaasoo ay ku dagtay, isagoo xusay in rakaabkii iyo diyaaraddii ay dib ugu laabteen Turkiga.

"Rakaabka la socday diyaaradda waxay tiradoodu ahayd 150-ruux oo isugu jiray Soomaali iyo ajnabi Muqdisho u soo socday, waxayna la keeni doonaa Muqdisho," ayuu yiri wakiilka Turkish Airlines.

Shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ayaa waxay bishii Maarso ee sannadkan ka billowday Soomaaliya duulimaadyo caalami ah oo ay toddobaadkiiba laba jeer ku imaanayso Muqdisho taasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen shacabka Soomaaliyeed.

Ma jiro hadal kasoo baxay waaxda socdaalka ee garoonka diyaaradaha Muqdisho taasoo ku saabsan sababihii keentay in diyaaradda Turkish Airlines ay kasoo dagto garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya