4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 17, 2012
Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo sheegay inay Wadahadallo kula jiraan odayaashii Puntland ee shirka ka baxay

Khamiis, May 17, 2012 (HOL) — Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DKMG ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay inay wadahadallo kula jiraan odayaashii Puntland ee ka baxay shirka ka socda Muqdisho, si ay howshu u sii socoto.

C/raxmaan Xoosh oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay meel wanaagsan marayaan wadahadallada ay kula jiraan odayaashii shirka ka baxay ee Puntland, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay inay shirka kusoo laabtaan.

"Wadahadallo ayaa noo socda odayaashii Puntland ee shirka ka baxay si ay dib ugu soo laabtaan shirka, waxaana rajeynaynaa inay dib u soo laabtaan," ayuu yiri wasiirka dastuurka Soomaaliya oo sheegay in Puntland ay qayb weyn ku leedahay howlaha socda.

Odayaasha Puntland ee shirka ka baxay ayaa markii ay gaareen Puntland waxay sheegeen in shirka uusan ahayn mid si wanaagsan ku socda sidaa daraadeedna ay go'aansadeen inay ka baxaan, markii howlaha shirka la dhameystirana ay ka qayb-qaadan doonaan shirka.

Dhanka kale; wasiirka dastuurka oo wax laga weydiiyay halka uu marayo shirka u socda odayaasha dhaqanka ayaa sheegay inuu meel wanaagsan marayo, lana filayo dhawaan inay soo gudbiyaan liiska ergada ansixinaya dastuurka Soomaaliya.

"Odayaasha dhaqanku waxay doorraad billaabeen xulidda ergada ansixinaysa dastuurka, maadaama dastuurka la dhameystiray lana filayo in maalmaha soo socda lasoo bandhigo," ayuu yiri wasiirka.

Ugu dambeyn, wasiirka oo la weydiiyay sababa ay ergada Puntland uga baxeen shirka ayuu sheegay inuusan doonayn inuu arrintaas ka hadlo, maadaama ay socdaan wadahadallo lagu dhameynayo khilaafka oo uu sheegay inuu ahaa mid xasaasi ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya