4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 12, 2012
Xildhibaannadii ku dhintay Qaraxii ka dhacay Degmada Dhuusamareeb oo baroor-diiq loogu sameeyay Cabuud-waaq


Sabti, May 12, 2012(HOL) — Waxaa manta Magaalada Cabudwaaq ka dhacay isu imaatin loogu baroordiqayay Xildhibaannadi naftooda qaaliga ah ku waayay qaraxii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

 

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyeen Ururka Mercy Rehabilition Development iyo Ururka We Need Paece and Development aya waxa ayaa waxaa uu dhacday Hotelka Salaama ee ku yaala bartamaha Magaalada Cabudwaaq.

 

Ugu horreyn waxaa halkaasi ka hadlay Xireey Cabdisalaan oo ku hadlayay Magaca Ururadii soo Agaasimay Munasabaddan Baroordiiqda ah, waxaana u aad ugu mahad celiyay Xildhibaannada, Maamulka Ahlusunna, Golaha Guurtida, Ururrada Hawenka iyo guud ahan dadkii ka soo qaybgalay munaasabaddaasi.

 

Furitaanka kaddib waxaa hadalka lagu warejiyay Maamulka Ahlusunna Waljamaca ee Magaalada Cabudwaaq, waxaana Magaca Maamulkaasi ku hadlayay Guddoomiyaha Dagmada Cabudwaaq Sh. Xasan Cabudwaaq, oo   ugu horreyn uga mahad celiyay Ha'adaha Mercy Rehabilition Development iyo We Need Paece and Development oo ayagu lahaa agaasimka Munasabaddaan Baroordiiqda ah.

 


''Waxaan  ilaahay uga baryay Xildhibaanadi ku geeriyooday qaraxi Dhusamareeb in uu jannadi Fardowso ka waraabiyo ehelladoodiina samir iyo iimaan ka siiyo, waxana ay ku dhinteen   Xildhibanadaasi  gacan ka xaqdaran." ayuu yiri guddomiyaha dagmada Cabudwaaq oo munaasabaddaasi ka hadlayay.

 

Xildhibaan Cabdirishiid Sh.Siciid oo asagu ka mid ahaa wufuuddii xildhibaannada ahaa ee qaraxa lagula beegsaday baar ku yaala bartamaha Magaalada Dhusamareeb, laakin isaga ka badbaaday  ayaa waxaa uu ka warbixiyay sida uu qaraxu uu dhacay iyo ujeedada ay u socdeen guud ahan xildhibaanadi kuwada sugna Dhusamareeb.

 

'' Xildhibaanada dhintay iyo kuwa dhawacmayba waxa ay u socdeen in ay nabad iyo hormar gaarsiyaan gobolada dhexe ee Soomaaliya, taas oo ah camaal aad u ficaan, waxana aaminsanahay qofki ku dhinta asago ku jira in uu nabad iyo hormar garsiiyo bulsho kuwada nool gobolka in uu yahay qof asagoo ku tagan wadada xaqa ah ku dhintay." ayu yiri  Xildhibaan Cabdirashiid.

 


Dhinaca kale xildhibaan Cabdirashiid ayaa waxaa uu shegay in aysan marnaba ka niyaad jabeyn howlihi ay u socdeen ee ahaa in la hormariyo lana isku soo dhaweyo bulshada kuwada nool gobolada dhexe ee Soomaaliya waxana uu shegay in howshaasi ay wali socoto.

 

Intaasi ka dib waxaa hadalka qatay Nabaddoon Cumar Xaaji oo asagu ka mid ah xubnaha ugu firfircoone ee Golaha Guurtida Waqoyiga Galgaduud, nabadoonka ayaa waxaa uu ugu horeyn umahadceliyay Ururadii soo agaasimay munaasabada, waxa uuna ilahay uga baryay xildhibanadi naftoda ku wayay ayagoo wada sulux, hormarinta iyo iskusoo dhaweynta bulshada kuwada nool gobollada dhexe ee Soomaliya in uu janadii Fardowso ka warabiyo.

 

Ugaaska Beesha Sade Ugaas Axmed Barre Takooy oo isna halaasi ka hadlay  ayaa u duceeyay intii  ku dhimatay qaraxi ka dhacay dhusamareeb, asago intii ku dhawacantayna caafimaad ilahay uga baryay.

 

''Xildhibaanadi ku dhintay qaraxi dhusamareeb waxaa ay wadeen wanaag iyo hormar la gaarsiiyo gobolada dhexe ee Soomaaliya ayago wanagas wada ayay ku dhinteen ilahay janadi fardowso haka waraabiyo,"ayu yiri Ugaas Axmed Barre Taakoy.

 


Sido kale musanabadaas ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyay xubno ka socda ururada haweenka iyo ururada dhalinyarada ee ka dhisan magaaalada Cabudwaaq ee bartamaha Soomaliya, waxaana magacooda ku hadlay Baar Cali Xade iyo Balaase. waxaayna mujiyeen sida ay dhankooda uga xun yihiin dhacdadii ka dhacday  Dhusamareeb.

 

Munasabadan baroordiiqda ah ayaa waxaay noqonaaysa munaasabadii ugu weyn ee loo sameeyo xildhibanaadi ku geeriyooday qaraxii ka dhacay maagalada Dhusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. iyaado dhaman dadki ka soo qayb galay ay ilahay uga baryeen in uu janadi fardowso ka waraabiyo xldhibanadi ku naf wayay qaraxaasi, halka ay ilahay caafimaad uga baryay inti ku dhawacantay qaraxaasi.




 

Bashiir Yusuf Nadara

Cabudwaaq-Soomaaliya