4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 12, 2012
Xildhibaan ka tisran DKMG Soomaaliya oo sheegay in la qabtay sarkaal ka tirsan Al-shababa oo u dhashay dalka Kenya

Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Raage oo ka mid ah xubanaha dowladda KMG ah ee ku sugan gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolkaas ku sugan ay qabteen dagaalyahan Kenyan ah oo ka tirsan Al-shabaab.

Mudanuhu ma uusan sheegin magaca dagaalyahankan, balse wuxuu xusay inay ku wareejiyeen ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanka Hoosingoow oo 165-km kaga beegan dhinaca Koonfureed magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

"Dagaalyahankan wuxuu ku socday dalka Kenya, wuxuu soo raacay gaari ay dad rakaab ah saarnaayeen... shacabka ayaana sheegay inuu gaariga la socdo," ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanku ma uusan sheegay inay daba-gal ku hayeen dagaalyahankan Kenyanka ah ee ay ku qabteen gobolka Jubbada hoose, iyadoo ay tani noqonayso markii ugu horreysay oo ay xubnaha dowladda KMG ah ee ku sugan gobolka Jubbada hoose ay sheegaan inay qabteen dagaalyahan ka tirsan Al-shabaab oo baxsad ah.

Ma jiro hadal kasoo baxay Xarakada Al-shabaab oo ku saabsan dagaalyahankan la qabtay, iyadoo sidoo kalena aysan saraakiisha ciidamada Kenya xaqiijin inay hayaan dagaalyahanka Kenyan ah ee la qabtay iyo in kale.

Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa qaybo ka mid ah gacanta ku haya ciidamada DKMG ah iyo kuwa Kenya oo is-garabsanaya, kuwaasoo tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore dagaal kula jiray xoogagga Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya