3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 12, 2012
Soomaalida Minnesota oo bangiyo ku hor bannaan-baxay

Sabti, May 12, 2012 (HOL) - Banaan baxaan oo salaaddii jimcaha kadib ka dhacay iridda hore xarunta weyn ee bangiga Wellsfargo ku leeyahay bartamaha magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, ayaa waxaa ka soo qeybgalay boqolaal Soomaali ah, oo ka gadoodsan  wada-shaqeyn la’aanta bangiyada iyo xirnaashaha xawaaladaha Soomaalida.

Waxaa Soomaalida kala qaybgalay dibad-baxaan hogaanka bulshada rayidka ah, culumada, hay’adaha difaaca xuquuqda shaqaalaha iyo qaar ka mid ah bulshooyinka kale ee ku dhaqan Gobolkaan Minnesota, kuwaasi oo Soomaalidii isku soo baxday kala qeyb-qaadanayey dalabaadkooda ku aadan in dib loo furo xawaaladaha.

“Waxaa maanta halkaan isugu yimid ilaa kun qof oo isugu jira dadyow kala duwan oo ka kala socda bulshooyinka kala duwan ee gobolka ku dhaqan, ujeedkayagu waxaa uu ahaa in aan ka xun nahay cuna-qabataynta bangiyadu ku hayaan xawaaladaha Soomaaliyeed,” sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay  Maxamed Nuur ”Sadiq”  oo ah madax xawaalada Dahabshiil ee Gobolka Minnesota oo ka qaybgalay dibadbaxa.

Intii uu socday isku soo baxaan ay maanta dhigeen Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa waxaa xirmay wadooyin dhowr ah oo ku yaala bartamaha magaalada Minneapolis, waxaana dadkii ka soo qaybagalay ay ku dhawaaqayeen irayo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin xirnaashaha xawaaladaha, oo ah dariqa dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaan Mareykanka ay mariyaan gunooyinka ay u diraan ehelada iyo asxaabtooda ay kaga soo tageen gudaha wadanka iyo waliba wadamada dariska la’ah Soomaaliya.

“Marnaba ma aqbali karno in banhiyadu ay maamulaan dhaqaalaha dadka shaqeeya ee Mareykanka ku dhaqan, islamarkaasna aysan u oogalaan in ay dhaqaale u diraan ehelkooda ku dhibaataysan gudaha wadanka Soomaaliya, waxaana iyaga oo arintaasi ka gadoodsan maanta koontooyinkii ay ku lahaayeen Wellsfargo xiray dad badan oo Soomaaliyeed oo diidan tilaabada Bangiyada,” ayuu yiri Cabdi-Casiis Dhoore, oo ka tirsan Xawaalada Tawakal.

Franklin Bank, oo ahaa bangigii ugu dambeeyey  ayaa dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay xiray koontooyinka 15  xawaaladood oo ka shaqeynayey gobolka Minnesota, isagoo sheegay in uu ka cabsi qabo in ay saameyn ku yeelato qaar ka mid lacagaha xawaaladuhu ay u diraan geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya, oo aan si dhab ah loo garan-karin gacanta ay ku dhacayaan, waxaana ay taasi sababtay in ay xirmaan inta badan xawaaladaha Soomaalida ee ka shaqeyn jiray Gobolka Minnesota.

“Dowladda Mareykanka dhinaceeda xawaaladahu waa sharci waana ay ka shaqeyn karaan, hase ahaatee sharciyo adag oo uu Mareyakanku ku soo rogay lacagaha dibada uga baxaya wadanka wixii ka dambeeyey  11-kii semtember, markii qaraxyada argagixiso ay dhaceen, ayaa sababay in ay bangiyadu joojiyaan wadashaqeynta Xawaaladaha, iyagoo cudur-daar ka dhiganaya sharciyadaasi, lacagaha xawaaladuhu diraanna waxaa ku nool malaayiin Soomaali ah oo ku nool geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdi-casiis Sugule, oo mudo ka shaqeynayey arrimaha Xawaaladaha.

Maxamed Faarax Talyaani
Minneapolis, Minnesota
[email protected]













Click here
5/12/2012 9:21 AM EST
Sabti, May 12, 2012(HOL) — Waxaa manta Magaalada Cabudwaaq ka dhacay isu imaatin loogu baroordiqayay Xildhibaannadi naftooda qaaliga ah ku waayay qaraxii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

5/12/2012 9:11 AM EST
Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Askari u dhashay dalka Uganad kana tirsanaa ciidanka AMSIOM ee ka howlgala Muqdisho ayaa la xukumay kaddib markii uu rasaas ka iibiyay wiil Soomaali ah.

5/12/2012 8:57 AM EST
Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Waxaa maanta magaalada Doolow ee Gobolka Gedo tababar ciidan loogu soo xiray 1,500 oo askari kuwaasoo bilooyinkii u danbeeyay uu halkaasi uga socday tababar Militari.

5/12/2012 8:42 AM EST
Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Dowladda Iiraan ayaa sheegtay inay dhawaan u dirayso Soomaaliya shixnadii 15-aad oo gargaar bani'aadamnimo ah, taasoo isugu jirta raashin iyo dawo.

5/12/2012 8:25 AM EST
Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Madaxweynnaha Somaliland, Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku tagay gobolka Awdal ee somaliland, waxaanu xadhiga ka jaray waddo cusub oo laga hirgaliyey Dilla ilaa Boorame.

5/12/2012 8:10 AM EST
Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in fikirka ku aaddan dastuurka ee Puntland ayaa ku sheegay mid la mid ah fikirka ay dadku ka qabaan dastuurka.

5/12/2012 7:28 AM EST
Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Booliska Kenya ayaa xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ku qabqabtay shalay gallinkii dambe illaa xalay in ka badan boqol qof, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ku ku lug lahaayeen falalka amni-darro oo ka dhaca xeryahaas.

5/12/2012 7:09 AM EST
Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Hay'adda Midowga Dhallinyarada Soomaaliyeed (UYS) ayaa maanta dood-cilmiyeed hal-ku-dhiggiisu ahaa adkeynta nabada ugu qabatay Muqdisho odayaasha-dhaqanka.

5/12/2012 6:26 AM EST
Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan. Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa sheegay in maamulkiisu uu wax badan ka qabtay muddadii uu xilka hayay arrimaha amaanka, samafalka iyo weliba dib-u-dhiska.

5/12/2012 6:26 AM EST
Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Boqollaal Haween ah oo ay nolosha qoyskoodu ku tiirsanayd ka ganacsiga qaadka ayaa ka cabanaya shaqo la'aan iyo xaalado nolol xumo oo soo foodsaaray, kadib markii dhawaan xoogagga Al-shabaab ay gabi ahaanba mamnuuceen ka ganacsiga Qaadka.

5/12/2012 3:34 AM EST
Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Maamul-goboleedka Puntland ayaa kasoo horjeestay dastuurka cusub ee Soomaaliya, iyagoo ku sheegay inuusan ahayn dastuur u qalma in lagu hoggaamiyo Soomaaliya.

5/12/2012 3:20 AM EST
Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Raage oo ka mid ah xubanaha dowladda KMG ah ee ku sugan gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolkaas ku sugan ay qabteen dagaalyahan Kenyan ah oo ka tirsan Al-shabaab.

5/12/2012 3:01 AM EST
Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha Al-Qaacida, Dr Ayman Al-Zawahiri oo Internet-ka soo diray cajalad maqal iyo muuqaal ah ayaa kula taliyay Al-shabaab in dagaalkooda ay u bedelaan qaab jabhadeyn ah ayna la dagaalamaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa kale ee ku sugan Soomaaliya.

5/12/2012 1:58 AM EST
Sabti, May 12, 2012 - Waxaa magaalada Helsinki ee dalka Finland maanta lagu soo gabagabeeyay kulankii Qoreyaasha Soomaaliyeed ee shalay & maanta ka socday deegaannada Espoo Kiskus & Espoo Enteresse isla markaana ay ka soo qeybgaleen qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Helsinki.